Madaxweyne ku xigeenka Oo xadhiga ka jaray bandhiga Premier Bank Qaybtiisa Somaliland

Hargeysa(SLpost)- Masuuliyiin ka Tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka dalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa maanta xadhiga ka jaray baanka gaarka loo leeyahay Premier Bank qaybtiisa Somaliland.
Munaasibad balaadhan oo ka dhacday xarunta Bandhigaasi ee Caasimada Hargeysa ayaa lagaga hadlay muhiimada baankani uu dalka ku soo kordhin doono, iyo faa’iidooyinkiisa la xidhiidha maalgashiga iyo shaqo abuurka. xafladaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro, Maareeyaal, ganacsato iyo mudan kale.
099A3154Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ( Saylci) oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa yidhi “Aad baanu ugu faraxsan nahay waananu soo dhawaynaynaa Xukuumad ahaan banigigan cusub, sababtoo ah cid kasta oo maalgashi samaynaysa shisheeye ha ahaato ama sokeeyee waannu soo dhawaynaynaa waana aanu dhiiri gelinaynaa, danteena guud ayaa ku jira, maanta hantididii ummadda reer Somaliland waa hanti mayd ah oo fadhida wax alle wax macno ah oo ay samaysaa ma jirto, hadii aynu maanta lacagta aynu dhulka gelino aynu bangiyada dhigano shaqlo la’aan danbe oo dalka ka jiraysaa ma jirto dhaqaalaha dalkuna cirka ayuu marayaa.”
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kalena ka hadlay nidaanka baananka Ganacsi, waxaanu sheegay inay muhiim tahay ina bangiyadaasi ka furaa waxaanu yidhi “ Fulle xantii ma moogee waxa la yidhi bangiyadii aan Islaamiga ahayn yaan la furin, waxaan leeyahay bangiyada Islamic Bank la yidhaahdo lacagta ay dadka saarayaan way badan tahay, qaran ayaynu nahay oo kama maarmi karno bangiyada caalamka ka jira laakiin cid lagu khasbayo in uu ribo qaato oo aanu dhiiri gelinaynaa ma jirto, waxa aan leeyahay bangiyadan aynu qaadanay ee Islamic Bank naxariista ha lagu darro markaad qiimaha jebisaan sirta ganacsiga ayey kamid tahay qofka waxyar saara in macaamiishiisu badato.” Ayuu yidhi Mudane Saylici.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ugu horayn waxaannu Xukuumad ahaan soo dhawaynaynaa baanka cusub ee Premir Bank, Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka tisqaaday oo ka taabo qaaday ILAAHAY mahadii nabad iyo nidaam wanaagsan, kuwaa la’aantoodna ma suuro gasheen in shirkadaha ganacsi ay halkan isku soo aaminaan ama ay isku balaadhiyaan. Nabadda Somaliland ay haysato oo ah oo ah nimco weyn oo aynu ka mid nahay dunida meelaha ugu nabdoon, maamulka wanaagsan, kala dambaynta iyo dawladnimadu waa waxa soo jiiday in maanta baankani uu halkan inoogu yimaado, waa waxa keenay shalay DPWORLD, iyo shirkado badan oo hore iyo baanankii hore ee halkan ka shaqaynayey, meel aan nabad ahayn, dawladnimo-na ka jirin, maamul fiicana aanu ka dhisneyn cidina aduunkeeda kuma aaminto, Somaliland way kortay waanay tisqaaday, waa dhab in ganacsiga gaarka loo yeelanay (private sector) ku uu aad u korday, waxa dhiiri galiyey siyaasad dawladeed, waxa dhiiri galiya nabad, waxa dhiirigaliya maamul, hadii la waayo kala dambayn iyo dawladnimo nin aduunkiisa cidna ma amaahin karro, berito cid ugu soo qaadana heli maayo. Baanku markuu wax maalgalinyo wuxuu u baahan yahay dawladdnimo uu dhabarka saaro, wuxuu u baahan yahay nabad iyo nidaam wanaagsan.”
“ Waxaannu halkan ka bogaadinaynaa baanankii Somaliland ka hawl galay ee Darasalan Bank iyo Dahabshiil Bank, wakhti adag ayey ku soo beegmeen oo aanay maanta ku soo beegmin Premier Bank, wakhti adag ayey bulshada la soo kifaaxeen, waa u mahad naqaynaa sidoo kale shirkadihii wadaniga ahaa iyo kuwii shisheeye ee dalkan maalgaliyey ee ku dhiiraday inay dalkan maalgaliyaan waa u mahad naqaynaa, Premier Bank waanu soo dhawaynaynaa. Waxaannu rajaynaynaa in baanankaa badan ee inoo imanayaa inay hoos u dhigaan faa’iida ay doonayaan, way mudan yihiin, waa u qiraynaa dhibaatooyinka haysta inay khasaare badan qaadatayaan oo dadka ay maalgaliayaa ay qaarkood kacayaan, dulucdii iyo abaartii Marwo Sucaad Carmiye, waa taageerayaa in dadka daynta la siiyo laga yareeyo faa’iida boqolkiiba shan iyo tobanka ah (15%) waa badan tahay, baryo iyo gacan hoosi ku jabi maayo ee wuxuu ku jabayaa siyaasadaa aanu wadno, oo ah in dalka Baananka lagu soo badiyo oo ganacsi furfuran aanu dalka iyo qaranka ku soo badino, hadii kani yimid laba kalena yimaadaan bari Muraabaxadu shan (5%) ayey tagi, innaga oo aan culimada fadwo waydiin, culimadu fadwadoodii way dhameeyeen, waxay yidhaadheen baanankaasi waa inay Islaami noqdaan.”
Wasiirka Madaxtooyadda ayaa sidoo kalena ka hadlay siyaasada Xukuumadda ee furfurida ganacsiga iyo suuqa xorta ah waxanau yidhi “ Xukuumadda KULMIYE ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici hoggaamiyaan waxa siyaasad u ah in aannu dalkan ganacsigiisa furfurno, ku soo dhiirigalino dad maalgashada, shisheeye iyo sokeeyaba, waanu u soo jiidaynaa dadka ajinabiga ahi inay maalgashadaan, shaqo ayaa ka abuurmaysa, sumcad ayaa inooga kordhaysa, si sharciga iyo qaanuunka waafaqsan.”
Geesta kale Wasiir Maxamuud ayaa ka hadlay wadaaga Umadda Soomaaliyeed ee ganacsiga iyo sida ay arrintaasi siyaasad ugu duwan tahay waxaanu yidhi “ Waxaannu soo dhawaynaynaa in Soomaalida kale ay dalka maalgashato, cuqdad kama qabno inay bulshada Soomaalidu dalkan maalgashato oo shirkado uga shaqeeyaan, dunida ganasigu waa isugu jiraa, Soomaalina ganacsigu waa isugu jiraa, Soomaaliyi siyaasad ayey ku kala tagtay, ma ogolin in siyaasad lagu shuraaakoobo, laakiin bulshada Somaliland way la shuraakoobi kartaa markay ganacsi timaado Soomaali iyo shisheeye kaleba.”