Madaxweyne Ismaaciil Cumar oo Geelle oo mar kale loo doortay Hoggaamiyaha Xisbiga RPP iyo

Djibouti (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa mar kale loo cumaamaday Guddoomiyaha Xisbiga RPP ee haya talada dalkaas, kaddib markii maanta la soo gebo-gabeeyey shirweynaha 12aad ee Xisbiga.

Shirweynaha oo uu shir-gudoominayey madaxweynaha Jabuuti, ma jirin cid kula tartay Jagada gudoomiyenimada, waxaana halkaas loogu doortay inuu Md Ismaaciil  Afarta Sanno ee soo socda uu hoggaamiyo siyaasadda Xisbiga.

Tallaabada ayaa u muuqata inay gogosha u sii xaadhayso in Md Ismaaciil Cumar Geelle uu markii Afraad isu soo sharrixi karo Jagada Madaxweynenimo ee dalka Jabuuti.

Faahfaahinta Warkan ka Daawo Muuqaalkan Hoose