Madaxweyne Biixi oo la kulmay Danjiraha Dowladda Itoobiya u soo magacowday Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka cusub ee  dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Shamsudiin Axmed Rooble.

Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, madaama safiirku xafiiska ku cusub yahay oo dhawaan dawladda federaalka Itoobiya u soo magacawday Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

3Waxaanu Madaxweynuhu Dawladda Itoobiya ku bogaadiyey inay u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland dublamaasi xeel dheeri u leh shaqada safiirnimo, kana soo shaqeeyey dalal badan oo dunida ka mid ah, isaga oo u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiskiisa uu haatan ka hawlgalaa hore u hayey.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku tiirsan iskaashiga horumarka, ganacsiga, isu-socodka iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika.

1 (4)

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).