Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Sawir Dood dhaliyey oo uu la Galay Wasiirro Soomaaliya ah iyo Xamaasaddii ka dhalatay

Jeddah (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sawir doodo badan ka dhasheen, shacabkuna ka biyo-diiday oo si weyn loogu qaadaa-dhigay saxaafadda iyo Baraha Bulshada, kaas oo muujinaya kulan dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo Wasiirro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kuwada-sugan dalka Boqortooyada Sucuudiga, halkaas oo ay ku soo wada-guteen waajibaadka Xajka.

 

Madaxweyne Biixi oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa xukuumadda, waxaa uu arrintan kaga hadlay kulan uu magaalada Jeddah kula qaatay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Boqortooyada Sucuudiga. Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo sida ay shacabka Somaliland uga biyo-diideen sawirka, isagoo ku tilmaamay arrintaas tallaabo muujinaysa sida shacabku u ilaashanayaan qaranimadooda.

 

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Madaxweynaha oo ka hadlaya arrintan iyo jawaab-celin uu u jeediyey Xisbiyada Mucaaradka ah.

 

https://youtu.be/RanC-9KCny0