Madaxweynaha Somaliland oo Ka Hadlay qaabka dowladda Sucuudiga u Qaabbishay, shacabkana Farriin u Soo Diray

Makkah (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay Xubno wasiirro ahi weheliyaan oo shalay dalka ambabaxay, ayaa gaadhay waddanka Sucuudiga, isagoo soo gudanaya waajibaadka Xajka, waxaanu ka hadlay sida Boqortooyada Sucuudigu u soo dhawaysay iyo marti-qaadka rasmiga ah ee ay Xajka ugu fidiyeen.

Madaxweyne Biixi, waxa uu Farxadda Xajka awgeed hambalyo iyo bogaadin iyo duco u diray guud ahaanba Ummadda Islaamka, gaar ahaan Shacabka Somaliland, waxaanu sheegay inuu xajka ka dib kulammo la yeelan doono Madaxda dalka Sucuudiga.