Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-furay Shirweyne Lagu Lafo-gurayo Guulaha Somaliland ku Tallaabsatay iyo Caqabadaha horyaalla 27 sanno kaddib

4Shirweynahan oo Afka Qalaad loogu magac-daray “Somaliland Acheivements and Challengs Ahead 27 years later” waxa ka soo qayb-galay Ergay ka socda Beesha Caalamka iyo dalalka Deriska

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweyne heer sare ah oo lagu falanqaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadihii soo wajahay, kaas oo ay kasoo qayb-galeen wufuud caalami ah oo ka socota dalal kala duwan oo dunida ah, hay’addo diblomaasiyiin, siyaasiyiin, safiirro, shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada,  xildhibaanno, hoggaanka axsaabta qaranka, , haldoor ka socday dalalka Jaarka ee Jabuuti iyo Itoobiya iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

8B7A0778Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen wufuud ka socota In ka badan 20 (labaatan) dal oo kamid ah dalalka dunida, isla markaana ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa laga jeediyey hadallo salka ku haya guulihii ay Somaliland gaadhay iyada oo aan cid kale gacan ka helin,  jidka dheer ee ay usoo martay  halka ay maanta taagan tahay iyo waliba caqabadaha hortaagan ee u baahan in meesha laga saaro.

Xubno isugu jira xildhibaanno, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo diblomaasiyiin ka kala socday dalalka caalamka oo halkaas ka hadlay, ayaa si isku mid ah Jamhuuriyadda Somaliland ugu bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaadhay muddadii ay jirtey, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay uga gudbi lahayd dhammaanba wixii caqabado ah ee horyaalla.

8B7A0793Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo horumarinta caalamiga ah, Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna kulankan hadallo ka jeediyey, ayaa shaaciyey inay Somaliland gaadhay guulo waaweyn oo soo jiitay dunida kale iyo saaxiibada Somaliland ee daafaha adduunka, isla markaana ay kasoo gudubtay caqabado tiro badan, kuwa haatan horyaallana ay diyaar u tahay inay isku duubni shacab iyo dedaal dawladnimo kaga gudubto.

Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu tilmaamay in ictiraaf la’aantu safka hore kaga jirto caqabada Somaliland hortaagan muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey, isaga oo xusay in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda uga soo baxday dhammaanba wixii shuruudo ahaa ee ku xidhnaa helitaanka ictiraaf caalami ah, isla markaana ay weli maqan tahay xuquuq weyn oo ay shacabka reer Somaliland dunida xaq ugu leeyihiin.

8B7A0796Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo si rasmi ah shirweynahan u daah-furay, ayaa isaguna ku dheeraaday sidii ay shacabka reer Somaliland ugu soo dhabar-adaygeen inay noqdaan qaran taabbo-gal ah oo isku filan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Somaliland waxa ay taariikhda ku gashay inay tahay dalka qudha ee gudihiisa kaligii taliye kula dagallaamay ee uu u adeegsaday inuu diyaarado ku dumiyo magaalooyinkii ee haddanna ka guulaystay adkaysigooda iyo niyad-adaygooda birta ah.  Waxa kale oo ay Somaliland taariikhda ku gashay in iyada oo dagaalka intaas le’egi ku dhacay oo dadka colaad lagu dhex abuuray inay haddana iyadu dhisto dawladnimo iyo midnimo iyada oo aan cid kale u oggolaan inay soo faro-geliyaan”.

Shirweynahan lagu gorfaynayo guulihii ay Somaliland gaadhay muddadii 27-ka sano ahayd ee ay jirtey iyo caqabadaha ka horyimi, ayaa socon doona muddo laba maalmood ah, waxana lagu wadaagi doonaa aragtiyo aqoon ku dhisan oo la xidhiidha sidii looga gudbi lahaa wax kasta oo lugta qaban kara hiigsiga fog ee qarankani leeyahay.

2 8B7A0687 8B7A0721 8B7A0737 8B7A0785 8B7A0778 8B7A0793 8B7A0802 8B7A0796 8B7A0807 8B7A0782