Madaxweynaha Somaliland Oo Daah-furay Ololaha Todobaadka Tallaalka Cudurka Jadeecada oo maanta ka Bilaabmay Dalka

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay tallaalka cudurka Jadeecada oo si rasmi ah maanta uga bilaabmay guud ahaanba gobollada iyo degmooyinka dalka Somaliland.

IMG_0000Munaasibad kooban oo lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  masuuliyiinta wasaaradda  Horumarinta Caafimaadka oo uu hormood u yahay wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka, Mudane Xasan  Ismaaciil Yuusuf iyo masuuliyiin ka socotay hay’adaha qaramada midoobay ee caafimaadka iyo daryeelka Ubadka ku hawlan, ayuu madaxweynuhu dhibicdii ugu horraysay ee tallaal ah ku siiyey Ilmihii ugu horreeyey   ee lagu ibo-furo hawsha tallaalka cudurka Jadeecada oo ka bilaabantay guud ahaanba dalka Somaliland.

IMG_3239Madaweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa   ugu horrayn ku bogaadiyey wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo hay’adaha kale ee la shaqeeyaba, waxaana uu guud ahaanba waalidiinta ubadka dhalay iyo kuwa masuuliyadda hayaba ku dhiirrigeliyey in ubadka ay gacanta ku hayaan ay ka tallaalaan cudurka Jadeecada, isla markaana ay gacan siiyaan bahda caafimaadka ee hawshan qaran ku hawlan, waxaana uu yidhi, “Maanta waxa nasiib-waag ah in carruurtii Somaliland laga tallaalayo cudurka Jadeecada, guud ahaan dalka oo dhan, wasaaradda caafimaadka iyo hay’adaha kale ee ka kaaliyeyna aad baan ugu mahadnaqayaa, dadweynahana waxaanu ku dhiirrinaynaa inay carruurta xarumaha caafimaadka keenaan, gaar ahaan dadka reer miyiga ah, ama meelaha fog-fog jooga, waxa aanu u sheegaynaa in caafimaadka carruurtu wax walba ka qaalisan yahay.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in tallaalka Ubadku tahay xil guud oo saaran dhammaanba bulshada reer Somaliland, inta masuuliyadda haysa, culimo-awdiinta iyo madax-dhaqameedkaba, “Ilmaha yar ee dhashay,  Afar jirka ah ama Sagaal jirka ah in caafimaadkiisa la ilaaliyo xil baa inaga wada saaran, kuwa waalidka leh, kuwa aan waalidka lahaynna cidda ehelkooda ah, masuuliyiinta gobollada jooga ee dawladda, culimada iyo madax-dhaqameedkaba dhammaan waa in la dhiirrigeliyo in carruurta laga tallaalo cudurka Jadeecada oo halis ah” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa bulshada u sharraxay dhibaatooyinka uu cudurka Jadeecadu ubadka u keeno iyo sida ay muhiimka u tahay in tallaal lagaga hor tagaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Magaalada waxad ku aragtaan carruur badan oo indho la’ waxaana laga yaabaa intooda badani Inay Jadeecada ku Indho beeleen, xummaddeeda iyo dhibteeda, sidaas darteed waxaan ku dhiirrigelinayaa in tallaalkaas loo dedaalo oo carruurta la tallaalo.”

Ugu dambayntii, wasiirka horumarinta wasaaradda Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku hambalyeeyey taageerada iyo dhiirrigelinta uu la garab taagan yahay tallaalka cudurka Jadeecada iyo sida uu heeganka ugu jiro in wada-jir loogaga hortago cudurrada faafa ee carruurta asiiba.