Madaxweynaha oo Magacaabay Xubnaha Guddiga Heer Qaran ee Xuquuqal Iinssaanka iyo Ku-xigeenka Hanti-dhowrka Guud

Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Heer Qaran ee Komishanka Xuquuqal Iisaanka oo ka kooban Todoba Xubnood.

Wareegto kale oo ku lifaaqan war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, ayaa madaxweynuhu ku magacaabay Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.,

“Nimanka Saaka na soo weeraray waxaanu u galaynaa sidaanu Siyaad Barre u galnay” – Madaxweyne Muuse BiixiWareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha oo xambaarsan magacaabista Guddiga Xuquuqal Iinsaanka Qaranka, ayaa u qornayd Sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-156/072018, ku magacaabay Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay:                  Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:                  Xeerka Komishanka Xuquuqul Aadamah, Xeer Lr. 39/2010;

Markaan Helay:                   Qoraalka Guddida Xulista Xubnaha Komishanka Xuquuqul Aadamaha;

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda Komishanka Xuquuqul Aadamuhu u leedahay Dhismaha, Sumcaddda iyo Horumarka Qaranka;

 

Markaan Sameeyey:           La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan u magacaabo xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin in ay noqdaan Xubnaha Komishanka Xuquuqul Insaanka Qaranka:

Tir. Magaca Xilka
1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Rooda Axmed Yaasiin Xubin
3. Muuse Cismaan Warsame Xubin
4. Saleebaan Warsame Guuleed Xubin
5. Waris Abshir Xaaji Diiriye Xubin
6. Cumar Maxamuud Xuseen Xubin
7. Cabdirashiid Siciid Cindi Xubin

 

Sidoo kale, Wareegtada madaxweynuhu ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa u qorneyd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Tixgeliyey:          Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

 

Markaan Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

 

Markaan Fiirsaday:             Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markaan Sameeyey:           In uu hanan karo xilkan;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland