Madaxweynaha JSL oo Kulan la qaatay Jaaliyadda Somaliland ee Dalka Sucuudiga (SAWIRRO)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa dalka Saudi Arabia oo ay u tageen gudashada waajibaadka Xajka, ayaa maanta kulan la qaatay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaalada Jeddah ee dalkaas.

 

Weftiga ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Jeddah kaddib markii ay soo dhammaysteen gudashada waajibaadka Xajka oo ay halkaas ku tageen marti-qaad uu u fidiyey Boqorka Dalka Saudi Arabia.

 

 

Kulanka oo caawa ku qabsoomay Hotel-ka weftigu ka deggen yahay magaalada Jeddah, waxa goob-joog ka ahaa saraakiil ka socda dowladda Sucuudi Carabiya, waxaanu madaxweynuhu kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan isla markaana ay muwaadiniinta Somaliland ee deggen dalkaasi uga qayb-qaadan lahaayeen.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa la filayaa inay ku soo guryo-noqdaan dalka maalmaha foodda innagu soo haya.

 

Muuqaallada Hoose kaga bogo Kulanka dhexmaray Jaaliyadda iyo Weftiga madaxweynaha.