Madaxweynaha Jabuuti oo Qaabilay Wefti Wasiirro ah oo ka socda Xukuumadda Somaliland

Djibouti (SLpost)- Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf (XAWAR) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac oo uu weheliyo safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti, ayaa kulan la qaatay madaxwaynaha Jamuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

somaliland_Djibouti (1)

Wasiirka iyo Weftiga uu hogaaminayo oo kulamo kala duwan maalmihii u danbeeyey la qaadanayey madaxda kala duwan ee Jamuuuriyada Jabuuti ayaa maanta kulanka ay la qaateen Madaxwayne Ismaacil Cumar Geele ujeeddadiisa lagu sheegay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta iyo Xidhiidhka u dhexeeya labada dal ee Somaliland Iyo Jabuuti.

 

Kulanka maanta ka dhacay qasriga Madaxtooyada ee Jamuuriyada jabuuti ayaa ah mid si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyey Wasiirada Gaashaandhiga Ciise Axmed Yuusuf (XAWAR) iyo Wasiirka qorshaynta qaranka Cawaale Ibraahim Shirwac oo uu ku weheliyo safiirka Somaliland ee u fadhiya Jabuuti Amb Cabdifataax.

somaliland_Djibouti (2)

Geesta kale, masuuliyiinta maanta la kulmay madaxwaynaha ayaa waxay maalintii shalay booqosho ku tageen goobo taariikhi ah iyo waliba goobo cilmi baadhis oo Jamuuriyada Jabuuti leedahay.