Somalilandpost | News and Analysis

Maayir Cabdshakuur Cidin: Xidigga Gobolka Saaxil ee aan Xarragoon

Wuxuu u lebistaa sida dadka caadiga ah (Normal Society-ga) oo isuma xidh-xidho sida madaxda qaarkood, waxaana mar walba ka muuqda dareen howl-qabad iyo firin-fircooni.

 

Sida uu bulshada dhexdeeda uga muuqdo ama uga dhaqmo, isagoo madax ah ayaa looga tusaale qaadan karaa hab-nololeedkiisa gaarka ah, waayo? masuul kastaa siduu muraayadda guud uga muuqdo ayuu daaha dabadiisana ugu noolyahay.

Sidaas darteed xarragadu maaha dhar cusub iyo is-dhis oogada ka muuqata, hase ahaatee waa xil kasnimada iyo kalsoonida nafta oo lagu kabo karti iyo faham-qaadasho rabitaanka Bulshada.
Maayirka Magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Cidin muddadii uu xilka duqa Magaalada Berbera hayey, waxa uu si xawli ah wax uga beddelay muuqaalka Magaaladaasi, waxaanu ku guulaystay in uu masuul ka noqdo magaalo ka duwan tii uu la wareegay markii xilka loo doortay.

Berbera, waa magaalo muhiima oo tobanaankii sanadood ee ay Somaliland jirtay halbowle u ahayd ilaha dhaqaale ee dalka, haddana iyadu ka arradnayd sababo maamul-xumo iyo hagrasho awgeed.

2010-kii markii ay Xukuumaddii Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayey talada la wareegtay waxa ay ahayd magaallo magac mooyaane aan mustawi lagu qiimeeyo lahayn oo ay waddooyinkeeda badankoodu xidhan yihiin, kuwa furan aanay lahayn laamiyo iyo bilic lagu majeerto.
Ma jirin dhismeyaal casri ah iyo kuwo qurux badan oo dhisnaa, waxaanay ahayd magaalo sida daabiyadaha u dhisan oo aan wax badan laga qaban wixii ka dambeeyey burburkii dalka loogu soo noqday.

Golihii deegaanka ee xilligaa muddo-xileedkoodu sii dhamaanayey waxa ay bilaabeen waxqabad la odhan karo waxay kula jaanqaadayeen Xukuumadda cusub ee talada la wareegtay, waxaana golaha bedelay ee uu hogaaminayo Cabdishakuur Cidin shaqada la wareegeen, iyadoo waxoogaa dib u habayn ah lagu sameeyey dhowr waddo oo magaalada dhexdeeda ah.

Hase ahaatee, Golaha deegaanka ee iminka joogga oo la doortay dabayaqaadii sanadkii 2012-ka, balse shaqada si rasmiya u bilaabay horaantii 2013-kii, ayaa ku suntan Berbera-d cusub ee maanta loo aqoonsan yahay magaalada ugu horumarsan bilicda, Biyaha iyo dhamaan adeegyada iyo kaabeyaasha aasaasiga ah ee Bulshada.

Golahan oo uu Guddoomiye u yahay Cabdishakuur Maxamuud Cidin duqa Magaalada Berbera, ayaa marxalada aynu kor ku soo sheegnay kala soo dabaashay Magaaladan, iyadoo uu ku hogaaminayo Maayirku, waxaanay nasiib u yeesheen in ay wakhtigooda ay magaaladu marti-gelisay mashaariic Malaayiin dollar ah oo Maal-gashi ah, taasina ay sii dardar gelisay hayaankii horumarinta.

Sida uu iftiimiyey, magaal dheer oo uu qoray Ali Abdi Hussein oo ah aqoonyahan ka shaqeeya arrimaha bulshada, Maamulka Degmada Berbera oo uu ugu horeeyo Maayirku, waxa ay si mug leh uga jawaabeen wixii ay tabayeen shacabku, waxaanay dadkii soo doortay daboolka uga qaadeen daryeel iyo dedaal dawladdeed oo ay wakhti dheer tebayeen.

Sida uu qabo Aqoonyahanku, Maayarka iyo Dawlada Hoose ee Degmada Berbera waxay xooga saareen nadiifinta iyo Ururinta Qashinka magaalada si ay kor ugu qaadaan Bilicda iyo muuqaalka guud ee Degmada, si taas loo gaadho waxaa la tayeeyey Shaqaalaha ka hawlgala nadaafada iyadoo markii hore loo kordhiyey Mushaharkii ay qaadan jireen markiii danbena loo keenay Qalab iyo Gawaadhi casri ah oo ay u adeegsadaan gurista iyo nadiifinta Magaalada. Sidoo kale si bilicda magaalada kor loogu qaado wuxuu Maayarku soo kordhiyay in Wadooyinka waawayn ee Magaalada la Xaadho Habeenki si aanay u aasin Ciidu iyadoo loo shaqaaleyey Shaqaale tiro badan oo hawshaas fuliya waxaan Magaalada Berbera noqotay Magaalada kaliya ee guud ahaan Somaliland Wadooyinkeeda la xaadho waliba si joogta ah, taaso si wayn kor ugu qaaday inay soo baxdo bilicda Mgaaladu.

2- Waxbarashada.
Gudoomiyaha Golaha deeganka ahna Duqa Berbera Mudane Cabdishakuur Cidin wuxuu si wayn ugu tafaxaytay inuu kor u qaado Waxbarashada Degmada oo aad hoos ugu hooseysay tayadeedu, si wax looga qabto arinkaas Maayarku isagoo la kaashanaya Waxaasarada Waxbarashada ee Gobolka Saaxil wuxuu Gunooyin u qoray Guud ahaan Macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada kala duwan ee Magaalada ku hoose dhexe iyo Sareba iyo inuu dusha u rito dayactirka, hagaajinta agabka waxbarashada ee dugsiyadu u baahanyihiin iyo daboolida baahiyahooda guud, taaso waxwayn ka tartay kor uqaadida tayada Waxbarashada Gobolka Saaxil gaar ahaan Magaalada Berbera si wayna loo dareemay isbadal muuqda.

3- Biyaha.
Magaalada Berbera waxay tahay Magaalo duruufo gaar ah leh oo ay kaga duwantahay magaalooyinka kale ee Somaliland taaso ah inay 6 bilood oo wakhtiga ka mida ay kulushay isla markaana aan laga maarmi Karin inay Biyaheedu isdhimaan iskaba daa in la waaye, waxa taas u dheer in Sanadkii xiliga Carafada ama Xajka ay Dekeda Berbera ka dhoofaan Xooloaad u tiribadan kuwaas oo u baahan ama kor u qaada Baahida biyaha ee Magaalada kuna soo Beegma xiliga Xagaaga. Hadaba mudadii uu Xilka Mudane Cabdishakuur Cidin wuxuu si baaxad wayn dadaal u galiyey sidii Baahida biyaha ee Magaalada loo buuxin lahaa, golaha deeganka ee degmadu waxay dhaqaale laxaad leh ku bixiyeen kor u qaadida kharashaadka lagu kabo wakaalada Biyaha ee Magaalada Berbera taaso sababtay inay aad hoos ugu dhacdo biyo yaraantii magaalada soo foodsaari jirtay.

4- Dhiiri galinta Dhalinyarada iyo Ciyaaaha.
Si ka duwan gobolada iyo degmooyinka kale, Maayarka Degmada Berbera wuxuu noqday ka kaliya ee si toosa isu garab taagay Dhalinyarada Degmada Berbera iyo Guud aahan gobolka Saaxil. Waxyaabaha sida wayn loo xusi karo waxaa ka mida inuu si aad u wayn uga gacan siiyey inay helaan Waxbarasho Jaamacdeed oo lacag la’aana isagoo sanad walba ka bixiya kharashka Jaamacada arinkaas oo suurto galiyey in markii ugu horeysay ay Degmada Berbera yeelato tiro badan oo Jaamiciyiin Dhalin yaro ah, arinkaas oo si wayn loogu xusuusan doono Taarikhda iyo raadka uu ka tago Maayar Cabdishakuur Cidin.

Sidoo kale Maayarku wuxuu si wayn Uga qaybqaatay shaqo abuurka dhalinyarada isagoo shaqaaleeyey tiradii dhalinyaro ugu badnay abide e dawlada hoose laga shaqaaleeyo isagoo waliba dhalin yaro badan u magaacabay xilal culus taaso kor u qaaday in dhalinyarada lagu aamini karo Masuuliyado sarsare.

5- Caafimaadka.
Si lamida Waxbarashada Maayarka Degmada Berbera wuxuu gacan wayn ka geystay horumarinta Caafimaadka bulsha reer Saaxil isagoo la kaashanaya Wasaarada Caafimaadka Gobolka Saaxil. Dawlada hoose ee Berbera waxay ku talaabsatay inay bixiso taakulo dhaqaale si kor lagu daboolo baahiyaha aasaasiga ah ee caafimadka degmada, waxay sidoo kale taageero joogta ah siisaa Xanaanooyinka Hooyada iyo Dhalaanka ee Magaalada Berbera. Dawlada Hoose waxay kaloo dhawaan farta ka qaadaay dhisme cusub oo casri ah kaaso loogu talagalay in lagu daryeelo dadka Dhinta dhismahaas oo lagu soo kordhiyaya Cusbitaalka guud ee Degmada loona shaqaaleeyey Shaqaale si joogta ah uga hawlgala qaybtaas.

6- Dhismayaasha Wadooyinka .
Mudada uu Mayar Cabdishakur xilka hayey waxay noqotay xiligii laga hirgaliyey wadooyinkii ugu badnaa uguna casrisanaa Magaalada Berbera iyadoo la dhisay Wadooyin aad u tiro badan isla markaana u tayo badan waxaana la odhan karaa marka loo eego dhigiisa magaalooyinka kale waa Maayarkii ugu waxqabadka badnaa dhanka wadooyinka guud ahaan Dalka oo dhan.

7- Mashruuca JPLG.
Maayarka Berbera wuxuu ku guulaystay inuu si buuxda uga faaideeyo dhaqaalaha Dawlada hoose ka hesho Mashruuca JPLG sidii ugu haboonayd bulshadiisa Berbera isagoo dhaqaalaha JPLG ku saleeya hadba meelaha Baahiyaha ugu badani ka jiraan si dadwaynaha Degmada Berbera uga faaidaystaan. Arinkaas Maayarku wuxuu ku mutaystay in Shahaado Sharaf lagu gudoonsiyo hab maamul wanaaga uu u hirgaliyey Mashruuca JPLG isagoo arinkaas kaga hormaray Maayarada dhigiisa ah ee dalka.
Waxqabadka Maayirka iyo Dawladda hoose ee Berbera kuma koobna Magaalada Berbera oo qudha ee waxa ay mashaariic kala duwan ka fuliyeen degmooyinka Gobolka Saaxil oo dhan, kuwaasoo ay ku jirto degmada Sheikh.

Mashaariicdaasi waxa qayb ka ah kuwo ay Todobaadkii la soo dhaafay Guddoomiyaha Gobolka Saaxil iyo Maayirka Berbera ka fureen tobanaan tuullo oo hoos yimaada Gobolka iyo kuwo ay dhagax-dhigeen, maalmo ay kormeer ku galaa bixiyeen guud ahaan Gobolka xeebta kullaala iyagoo u kuur-galay xaalada nololleed ee Bulshada ku dhaqan.

 

 

Maayir Cidin oo ka hadlayey mid kamida Deegaamada lagu soo dhaweeyey ee ay Kormeerka ku tageen, ayaa sheegay in mashaariicda ay kormeerkan ku qiimeynayaan lagu darayo Qorshaha Miisaaniyada Golaha Deegaanka ee sanadka soo socda, iyadoo meelaha ugu muhiimsan ee wax laga qabanayo ay ka mid yihiin Amniga, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, Maayirka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, ayaa ah xidig u soo baxay Gobolka Saaxil iyo Degmada Berbera, kuna suntanaan doona Horumarka Magaaladaasi iyo guud ahaan Gobolka Saaxil

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

Loading…