“Maanta, Maalin Ay Somalia Ka Liidataa Ma Jirto” Cali Khaliif Galaydh

Buuhoodle (SL.Post)  Hoggaamiyaha Khaatumo Prof: Cali Khaliif Galaydh, ayaa niyad jab ka muujiyay xaalada nabad galyo daro ee ay abuuri karaan doorashooyinka Somaliya ka dhacaya sanadkan.

 

 

140517153421_galeydh

 

 

Prof: Cali Khaliif waxa uu sheegay in doorashada Somaliya ee Baarlamaanka iyo Madaxweynuhu ay sababi karto xaalad siyaasadeed oo kacsan, dagaallana  ka dhici karaan Muqdisho iyo Banaadir islamarkaana uu ka niyad jabsan yahay nidaamka dawlada Somaliya lagu Maamulo. “Shirarkii u dambeeyay ee lagu qabtay Kismaayo iyo Baydhabo ee madasha wadatashiga marka la eego ma muuqato doorasho la qabanayo oo dhacaysa sida qorshuhu yahay”ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh

 

 

Waxaanu intaasi ku ladhey“ Doorashadani  werwerka iigu wayn waa  in qalalaase ka abuurmo Muqdisho iyo Banaadir ayaan ka baqayaa, waa la marin habaabiyay oo nabad galyadii ayaa faraha kasii baxday, bilihii ugu dambeeyay Muqdisho waxaa lagu dilay xildhibaano iyo wasiiro oo kuwii tuhunka dilalkaasi la galiyay waxay noqdeen  kuwo siyaasad shuqul ku leh”.

 

 

Hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif, waxaa uu isbarbar dhigay siyaasada somaliya ee maanta iyo Nidaamyadii hore ee soo maamulay Somaliya.  “Maanta Soomaaliya maalin ay ka liidato ma jirto dawladihii soo maray, dadkii u heelanaa way niyad jabeen” ayuu yidhi Cali Khaliif Galeydh oo u waramayay Wariye Nuuradiin. Dabayaaqada sanadkan ayaa la filayaa inay Somaliya ka dhacdo doorashada Madaxwaynaha iyo baarlamaanka Somaliya, iyadoo doorashada ilaa imika la isku mari laayahay qaabka iyo saami qaybsiga maamul goboleedyada dalka Somaliya oo qaar ka mid ahi diideen shirarkii madasha wadatashiga ee lagu qorsheynayay doorashada Somaliya.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa