Maamulka Nile-academy Oo Dawlada Somaliland Uga Mahadceliyay Mawqifka ay Iska Taagtay Inay Sii Joogaan Wadanka

CaptureHargaisa (SLPOST)- Maamulaha  guud ee dugsiga nile academy ,Cabdala Kook, oo maanta saxaafada  kula hadlayay magaalada hargaysa ayaa uga mahad naqay dawlada somaliland ogolaanshaha inay kasii shaqeeyaan wadanka   isagoo sheegay in schoolkani aanu wax lug ah ku lahayn arimo siyaasadeed isla oo ay wax baraan caruurta somaliland  sido kalena ay ku shaqeeyaan suruucda iyo qawaaniinta somaliland u dagsan.

nlie academy

Cabdala Koko o afka Turkiga ku hadlayay ayaa waxa uu  hadalkiisu u dhignaa sidan,,, ,,Waxaanu wadanka Somaliland nimi sanadkii 2012,waxaanu unimi in aanu ardayda Somaliland waxbarno si ay  uga faa idaan oo ay mustaqbalka u noqdaan kuwo dalka iyo dadkoodaba wax u qabta oo anfaca, sanadkan waxa dugsiga dhameeyay 60 arday waxaana loo diri doona meelkasta oo ay doonaan haday yurubtahay ama maraykan waliba jaamacadaha ugu tayada sareeya aduunka .

 

Sidoo kale waxa uu cabdala sheegay tan iyo markii ay yimaadeen Somaliland  ay  dabaqeen dhamaan suruucda iyo qawaaniinta wadan kan u yaala waxaana uu yidhi,,,,, markii  aanu wadankan nimi waxaanu eegnay sharciyada u yaala wadankan dhamaantoodna waanu ku dhaqanay walina wax qalad ah oo aanu galay majiraan taas oo nugu caawisay inaanay Somaliland wadanka naga saarin oo aanu sii joogno gaar ahaan Caasimada Hargaysa .

 

 

DHanka kalena  mr.cabdalla waxa uu cadeeyay in haba yaraatee dugsigani aanu wax lug ah ku lahayn siyaasad ,,,,,, Somaliland haday noqoto iyo aduunka meelkasta oo aanu daganay wax siyaasad ah oonu ku jirnaa majiraan waxaanu ku koobanahay inaanu caruurta waxbarno oo kaliyaDDDDDDDDDDDDDD

 

 

 

Sidookale dawlada soomaaliya ayaa iyana ka dalkeeda ka saartay dhamaan macalimiintii iyo hawl wadeenadii dugsiga isla dawr maalmood uun kadib markay dawlada turkigu sheegtay in dugsigan leeyahay sheeg turki ah oo lagu ee daynayo inuu ka dambeeyay inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay badhtamihii bisha july

 

Go’aankan ay Somaliland qaadatay ayaa lugu tilmaami karaa mid geesinimo leh faa iido wayna u leh dhamaan ardayda Somaliland .

SOMALILANDPOST