Maamulka iyo Ardayda Dugsiga Haweenka ee Xukuumaddu Iibisay oo Shir-jaraa’id oo Cabasho Qabtay

Hargeysa(SLpost)– Maamulka iyo macalimiinta dugsiga dhaqaalaha guriga ee Xaaji Haweeya womens club ee magaaladda Hargeysa ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo ay kaga cabanayaan iib xukuumaddu ganacsato ka iibisay dhismaha dugsiga iyo gooba uu ku yaalaba.

 

Shirka jaraa’id ee ay qabteen maamulka iyo macaliinta dugsigu ayaa waxa ay fariin ugu dirayaan madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed “Siilaanyo” in uu wax ka qabto dhacdadan foosha xun ee ay ku kaceen masuuliyiinta ka tirsan xukuumaddiisu.

 

Dugsiga Xaaji Haweeya Womens Club, ayaa loogu magac-daray Xaaji Haweeya Cabdi Mooge oo ahayd shakhsi door shariif ah kasoo qaadatay waxbarista haweenka, taas oo ka soo bilaabata xilligii Isticmaarka Ingiriiska illaa dabayaaqadii Sanadihii Sagaashamaadka. Xaajiya Haweeya waxa ay muddo kor u dhaafaysa nus qarni madax ka ahayd dugsigan dhaqaalaha guriga ee Womens Club-ka, waxaana xilligan xukuumadu iibin doono dhiganaya 1800 oo arday.

 

 

Shirka jaraa’id ee ay maamulka iyo macalimiinta dugsigu qabteen oo maqal iyo muuqaal ah, halkan hoose ka daawo: