Somalilandpost | News and Analysis

M/weyne ku-xigeenka Somaliland Oo Hadyado Kala Duwan Guddoonsiiyay Arday Da’a Yar-yar Oo Ku Tartamay Qur’aanka Kariimka Ah Iyo Axaadiistii Nebiga (NNKH)

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qayb galay munaasibad  ballaadhan oo lagu abaal-marinayay arday da’a yar-yar oo ku tar-tantay musaabiqadda Al-waxyayn ee qur’aanka kariimka ah iyo axaadiistii rasuulka NNKH.

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ardaydaasi ugu hambalyeeyay guushaasi ballaadhan ee ay soo hoyeen isla mrkaanna kula dar-daarmay inay ilaaliyaan kuna camal falaan kalaamka alle ,waxaana halkaasi ardayda ku guulaysatay lagu guddoonsiiyay baabuur, dahab iyo had’yaddo kala duwan oo qaali ah.

 

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

Loading…