Kooxaha CHELSEA ay Isku beegmi karaan Isku-aadka Groups-ka Champions League iyo saamaynta Isbeddelka UEFA

Arsenal, Manchester United iyo Manchester City oo Afka looga Geliyey Libaaxyada Europe

SLpost Sports – Xidhiidhka Kubadda Cagta Qaaradda Yurub , ayaa wax ka beddel ku sameeyey qaabka xulashada kooxaha ee Groups-ka Isku-aadka Champions League oo lagu dhaqmi doono xilli-ciyaareedka dambe.

Isku-aadka Group-ska ee Champions League ee wax-ka-beddelka lagu sameeyey, ayaa markii hore ahaa inay Kooxuhu u kala horreeyaan hadka sida ay ugu soo kala baxaan dhibcaha ay ka helaan tartanka.

CHELSEABalse Isbeddelkan ayaa suurta-galinaya in Kooxaha ku guulaysta siddeedda horyaal ee ugu waaweyn dalalka Yurub ay hoggaamiyaan siddeedda Group ee Isku-aadka Champions League, taas oo ka dhigan in kooxda sannadkan ku guulaysata horyaalka Ingiriiska ay fursad u haysato inaanay ku beegmin kooxaha kale ee ku guulaysta horyaallada kale.

Kooxda Chelsea ee hoggaaminaysa Premier League oo sannadkan loo tirinayo inay ku guulaysanayso, ayaa  ka baxsatay dabinka uu wato isbeddelka Sharciga cusub ee UEFA, balse waxa halis ku jira oo Kooxaha waaweyn ku beegmaya kooxaha Premier League ee kaalinta 2aad, 3aad iyo Afraad ee u soo baxa Tartanka Champions League xilli-ciyaareedka dambe.

Haddii aynu uba qaadanno inay Chelsea ku guulaysato Horyaalka Ingiiriiska, waxa ay tani u saamaxaysaa inay hoggaamiso Group ka tirsan Isku-aadka Champions League, sidaa awgeed waxay tani ka hortagaysaa inay ku beegmaan kooxaha waaweyn ee Bayer Munich iyo Juvantus ka mid yihiin oo iyagu  ku guulaysan-raba horyaallada Germany iyo Italy.

Sidaas oo ay tahay, haddana waxa ay u dhow yihiin inay ku beegmaan labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona, marka laga reebo in midkood ku guulaysto Horyaalka Spain, ka kalena ku guulaysto Champions League-ga sannadkan. Waxa kale oo jirta Fursad ay ku waajihi karaan Kooxda Atletico Madrid, haddiiba aanay isku beegmin Real iyo Barca.

Dhinaca kale, haddii Kooxda ku guulaysta Horyaalka Champions Leauge ay sidoo kale ku guulaysato Horyaalka waddanka ay ka dhisan tahay (Sida Afarta kooxood ee immika isugu soo hadhay Semi-Finalka), waxa ay fursadi u soo baxaysaa Kooxda ku guulaysata Horyaalka Derejada Siddeedaad ugu xisaabsan UEFA oo ah waddanka Holland, kaas oo ka mid noqon doona Siddeedda kooxood ee hoggaaminaya Groups-ka (waxaanay kooxdaasi u muuqataa PSV Eindhoven). Haddii ay xaaladdani timaaddo, Chelsea marnaba ma waajahayso Kooxda ku guulaysta horyaalka Holland.

Somalilandpost.net