Khilaaf ka taagnaa Ceelasha Biyaha BOTOR oo la soo Af-jaray iyo Xukuumadda oo la wareegay Masuuliyadda Maamulkooda

Gabiley (SLpost)- Khilaaaf Xoogan oo muddooyinkii u dambeeyey Ka taagnaa Deegaanka Botor oo ay Ku yaalaan Ceelasha biyaha looga soo saaro Magaaladani Gabiley, ayaa maanta la soo af-meeray, waxaana waxaana masuuliyadda ceelashaas la wareegay Xukuumadda Somaliland.

Ceelasha oo ay hore gacanta ugu hayn jireen shirkado gaar loo leeyahay oo magaalada Gabiley biyaha soo gaadhsiin jiray, ayaa Khilaafkooda salka ku hayay gacanta ku haynta maamulkooda, iyadoo is-afgaran-waaga ay qayb ka ahayd dawladda Hoose ee magaalada Gabiley.

Kulan maanta ay isugu yimaaddaan Maamulka gobolka, ka degmada, Wax-garad, Cuqaal iyo Salaadiinta Deegaanka, ayaa lagu shaaciyey soo-af-jaridda murankaas.

HOOS KA DAAWO WARKAN OO DHAMMAYSTIRAN