“Khatarta Ka Dhalan Karta Weedhan Macnaheedu Yahay….” W/Q. Khadar Aar

Soomalidu waa dad wadaaga Af ,dhaqan,dhul iyo Diin ,umadkasta oo Ilahay abuuray waxa uu u sameeyay dhaqan ,nolol ,deegaan iyo Af ay kaga duwan tahay kuwa kale ,waana sababahii keenay in gumaystayaashii Reer Yurub ay ku kala qaybiyaan.

 

khadar-aar

Dunida ma jiro qolo qolada kale la Af ahi amma la dhaqan ahi ,waxaa kaliya ee dadku ay wadaagi karaan isuguna iman karaan waxa uu yahay Diinta taaso Ilahay swc uu ugu talagalay in ay dhamaan dadku ay ku kulmaan dhaqan kasta oo ay leeyihiinba ,si ay u saxdo dhaqamadooda.

 

Somalidu waxay dad-yaw badan oo Aduunka ku nool kaga duwan yihiin dhaqan iyo Af aanay jirin cid inala wadaagtaa ,qofkasta oo Somali ahi xataa hadii uu yahay mid ku dhashay dhul-yawga dibada ee aan dhulka Soomalidu degto ahayn, hadana waxa uu dhiig iyo dheecaan la wadagaa Soomalida waayo way dhaleen waanu kasoo jeeda .

 

Waa arin inagu cusub oo aynan faham sanayn dhibta ka imaan doonta inta ay leeg tahay,balse hadana ay adag tahay in ay dad badani fahmaan kuna baraarug sanayn kalmada sida yar ee fudud loo odhanayaa raadka ay yeelan karto iyo sida loo fasiran doono Aduunka .

 

In badan ayaa waxa aynu warbaahinta Aduunka ka maqalnaa kalmada ah , wadamada Af Ingriiska ku hadla, kuwa Boortaqiiska ku hadla iyo kuwa Afka Sawaxiliga ku hadla ,balse ma ogtahay eray-bixintaasi in ay tahay mid aduunka oo dhami uu isla yaqaano loogana jeedo,dad isku Af ah balse kala Diin iyo kala dhaqan ah,sida awadeedna Somalida loo fahmi karo dad kala Diin iyo dhaqan ah.

 

Balse inagu hadii aynu nahay Soamli waxkasta waa aynu wadaagna waxkaliya oo aynu ku kala duwanahay ma jiro ,waxaana la odhan karaa waxa aynu nahay umada kaliya ee nasiibka u heshay in ay waxkasta wadaagto.

 

Waxaa baryahan inagu badan erayga ah “dadka ku hadla afka Somaliga” eraygaasi oo runtii u muuqda in uu yahay eray aad u qaldan ,kaasi oo Somalinimada soo galinaya dad aan u dhalan balse ku hadla isla markana Somalinimada ka saaraya dad Somali dhaba ah balse aan afka Somaliga aan ku hadli kuna dhashay Qurbaha.

 

Hadaba marka warbaahinta qaar ka mida ay leeyihiin dadka afka Somaliga ku hadla taas macnaheedu miyaanu ahayn in qofkasta oo afka Somaliga ku hadlaa uu yahay Soomali xaq iyo xuquuqna ku leeyahay dhul waynaha ay Soamlidu wada degto madamaa warbaahintii oo dhami ay ku hadaaqayso erayga dadka afka Somaliga ku hadla.

 

Waxa iyaduna meesha kasoo baxaysa in dad badan oo Somali dhaba ah ,dhiig iyo dheecana la wadaga Somalida ,balse ku dhashay oo kaliya wadamada dibada ee aynu iminka aadka u joogno ,in laga saarayo dhalashadii ay xaqa u lahayeen oo booskoodii lasoo galiya dadkan af-Somaliga ku hadla ee la sheegaayo.

 

Warbaahintu waxa ay ahayd in ay iyadu hurmood ka noqoto ilaalinta dhaqanka iyo afka ay umadu leedahay balse baryahan waxa aad moodaa warbaahintu in si aanay dareen sanayn ay ugu ololaynayaan in ay Soomalinimada ka qayb galiyaan waxan ay ugu yeedheen dadka afka Somaliga ku hadla.

 

Ma’ogtahay in eraygani uu macna aad u badan samayn karo hadii aan hada waxba laga qaban ma la socotaa in dadkan afka Somaliga ku hadlaa ay noqon karaan dad cadawgaaga ah balse Somaliga u baranaya in ay ku dhaxal wareejiyaan ,marna ma isleedahay oo ma iswadiisay in dadka aan Somalida ahayn ee afka Somaliga ku hadlaa in ay kula sheegan karaan dhulkaag.

 

Saw ma dhici karto in dad badan oo ku hadla afka Somaliga ahna cadawgaaga kowaad in ay adeegsan karaan qoraalo iyo buugaag ,taasi oo ay kugula wadaagi karaan dhulka iyo dhaqankaba iyaga oo ka faa-idaysanaya eraygan sida qaldan aynu u adeeg sanayno.

 

Dhalinyaraw ma la socotaan in qofka ajaanabiga ah ee aan Somali u dhalan marka uu kalmadaasi in badan ka maqlo warbaahinteena, in uu tamaniyi karo in uu Somalinimada kula tartamo ,ilayn waaynagan hadh iyo habeen warbaahinta la taagan saalamaha iyo tahniyadaha aynu u dirayno dadka afka Somaliga ku hadla ee aan anigu garan waaway meel ay jogaan..

 

Waxyaabaha aadka iga yaabiyay waxaa ka mid ah, waxa aan daawaday khudbad uu leeyahay nin ka mida madaxda Somalida kuwooda ugu caansan,ninkaasi markii uu khudbada soo gaba-gabaynayay ayaa waxa uu kusoo xidhay hadal kan “waxa aan halkan ka salamayaa dhamaan dadka afka Somaliga ku hadla!! waa wax lala yaabo.

 

Waxa kaloo aan isagana dhagaystay dawadayna ,barnaamij laga duubay Abwaanka caanka ah ee Maxamed Ibrahim Hadraawi ,oo ay ka duubeen TV Star ,waxa wax lala yaabo ah in ninkii wariyaha ahaa ee barnaamijka xidhiidhinayay ,markii uu soo gaba gabeeyay barnaamijkii ayaa waxa uu kusoo xidhay hadalka ah :-

 

Abwaan maxamed Ibrahim Warsame Hadraawi waxa uu talo dhaxal-gal ah usoo jeediyay dhalinyarada ku hadasha afka Somaliga ” miyanay ahayn wax lala yaabo ,Abwaan Hadraawi waxa uu la hadlayay dhalinta Somalida balse ninkii wariyaha ahaa waxa ay ka haysataa oo uu markasta ku celcelinayaa halku dhigaasi qaldan.

 

Aduunka sida aynu horayba usoo sheegnay dawladkasta amma qoomiyad kasta af ayay leedahay ay ilaashato ,kana ilaashato waxkasta oo kusoo kordha oo aanay dhaqan iyo hide u lahayn ,ilaalinta afkuna waa shay daruuri ah inaguna waajib ah in aynu ilaashano hadii kale ma helayno wax aynu isku af garano oo ina xidhiidhiya.

 

Aduunka dawladaha ugu luqadaha waawayn waaxaa ka mida Engiriska ,Raysal wasaaraha Engiriisku marka uu dadkiisa la hadlaayo ma yidhaahdo waxa aan la hadlaya dadka afka Engirisiga ku hadla, xaasha waliga maqli maysid ,hadana waa dawlada loogu badan yahay aduunka ee afkeeda lagu hadlo.

 

Wadanka Maraykanka oo ah wadan aad u balaadhan lagagana hadloluqada Engirisa , marka ay madaxdoodu khudbadaynayaan ma yidhaahdaan waxa aanu la hadlaynaa dadka ku hadla afka Ingirisiga waayo waxba kama khuseeyaan dadkaasi afka Engirisiga ku hadla ,isku danna maaha.

 

Inaga hada waxa aynu maraynaa in saxafadii afka ilalin lahayd iyo madaxda badankeedi ay ku hadaqaan erayga “dadka afka Somaliga ku hadla” waa maxay cilmiga iyo macnaha wayn ee ka danbeeyaa ,maxaa meesha ku jiraa ee kalmadan loo adeeg sanayaa , ma wax inaga qarsoon iyo ujeedo fog oo aan wali inoo muuqan ayay iftiin u tahay .

 

Ma waxaa loo gogol xaadhaya dad badan oo afka Somaliga ku hadla oo aan inala Diin iyo dhaqan toona ahayn ,wa’ayo cidan Rooga Cas loo dhigayaa ee hadalkan loogu duur xulayaa suura gal matahay aniga fikirkayga in kalmadan “dadka afka Somaliga ku hadla ” ay ka qara-wayn tahay sida aynu moodayno .

 

Waan dareemi karaa in dhalinyarada badan keeda aanay dhadayn kalmadani macnaha wayn ee ay leedahay iyo sida ay raad inoogu yeelan karto mustaqbalka fog ,balse waxaa ila quman in saxafadu ay aad uga fojignaato ku hadalka kalmadan dadkana ay ka wacyi galiyaan .

 

Kalmadani waxa ay koobsatay aniga aragtidayda sida ii muuqata halkii awal laga odhan jiray Soomali-weyn ayaa hada waxa aad mooda in si duqoni-magaratay ah loogu badalay ,dadka afka Somaliga ku hadla .

 

Afka Somaliga ee aynu ku hadalnaa inta badan dadka Somalida waa midka kaliya ee isku haya iminka ,Soomali waxa ay noqotay meelkasta oo ay joogto kala afkaar dhinaca Siyasada ,balse wali waxa kaliya ee isu keen hayaa oo marnaba aynaan la-aantii noolaan karaynini waa afka Soomaliga ,kaasi oo ubaahan in xagtimaha laga jiro.

 

Soomaliyi maanta waxa ay u baahan tahay in ay wada ilaashato afkeeda , afka Soomaligu mahan mid siyasad gala ,cid amma gobol gaar ulihina ma jiro ,waa shay dahabi ah oo inaga wada dhaxeeya ,hadii uu inaga lumana waa ay adkaanaysaa in aynu helno wax kale oo u dhigma oo isu keen haya.

 

Maanta waxa aad ogtihiin wadamada Carabti waa kala wada siyaasad iyo kala wada afkaar balse waxa kaliya oo ay ilashadaan meelna uga soo wada jeedaan waa luqada Carabiga ninkasta oo wadan carbeed u dhashay waxa uu ku faanaya luqadiisa Carabiga .

 

Waxa aan anigu in badan arkay dadka carabta ah haddii marka aad la hadlayso ay kaa fahmaan in luqada Carabiga aad si qaldan ugu hadlayso waxa ay jecel yihiin in ay ku saxaan ,taas ugama jeedaan oo kaliya in ay adiga ku nasteexaynayaan balse waxa waxaas oo dhan uga muhiimsan ilaalinta luqadiisa .

 

Waan jeclahay in luqadeena dad badani ay bartaan oo ajaanabi ahi ,khasaarana inooma aha balse waa in dadkaasi aynu u aqoon sananaa in ay yihiin ajanabi luqadeena bartay ,mana aha in aynu halku dhigyadeena siyasiga iyo kuweena dhaqankaba aynu dadkaasi soo galino.

 

Somaliyeey waxa aynu leenahay Af amma luqad Ilahay mahadi ha ka gaadhee dhinackasta ka dheeli tiran ,isla markana aan isleeyahay waxa ay ak baaxad wayn tahay luqado badan oo inaga cimridheer oo aduunka ka jira.

 

Waxaa aan ku talin lahaa in kalmadan iyo raadka ay inagu yeelan karto mustaqbalka wax la islka waydiiyo oo aan la dhayalsan ,waxa fiican in dadka aqoonyahanka ahi ay kalmadan wax iska yidhaahdaan aqoon iswaydaarsina laga furo.

 

Waxa aan qoraal kaygan kusoo gaba-gabaynayaa qofkastra oo Somali ah afkan xil ayaa ka saaran ,gobolkastana xil ayaa ka saaran gaar ahaan madaxda Somalida meelkasta oo ay ka taliyaanba ,waxa looga bahan yahay in ay dhawraan ilaliyaana afka Somaliga si aanu darxumo iyo dayac aanu u dareemin.

 

Wabilaahi tawfiiq.

 

W/Q .Qareen/khadar Ibrahim Aar