Khasaaraha ka dhashay Weerar Dabley Hubaysi ku qaadday Xarumaha Dowladda ee magaalada Laascaanood

Laascaanood (SLpost)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa xalay Saqdii Dhexe weerar ku soo qaaday Xarumaha Laamaha Ammaanka ee magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

 

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo weerarkan ka dhashay, haseyeeshee waxa burbur soo gaadhay dhismayaasha hay’adaha dowladda iyo kuwa amniga ee dableyda hubaysan bartilmaameedka ka dhigteen.

 

Goobaha la weeraray waxa ka id ah Faraca Bandhiga Dhexe ee Laascaanood, Wasaaradda Maaliyadda, Saldhigga Dhexe ee magaalada Laascaanood, Masjid-jaamica magaalada iyo dhismayaal kale oo u dhow goobaha la weeraray.

 

Weerarka noocan ah oo noqonaya markii labaad ee Kooxaha hubaysani ka fuliyaan magaalada Laascaanood muddo todobaad gudihii ah, waxa dhawaqa rasaasta laga maqlayey guud ahaanba xaafadaha magaalada, waxaana la rumaysan yahay inay ka dambeeyaan Kooxo nabad-diid ah oo fadhiisimo ku leh bariga Gobolka Sool

 

FAAHFAAHINTA WARKAN KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE