John Obi Milkel Aabihii oo lugu afduubay isla dalka Nigeria

Wakiilka  ciyaaryahan  John Obi Mikel,  ayaa xaqiijiyey  in aabaha dhalay  Ciyaaryahankan john obi mikel ayaa la afduubay  jimcihii ahi aynu soo dhaafnay.

Mikel ayaa la ogaysiiyey warkan  ka hor kulankii Axdii  ee ay kooxdiisu  la ciyaaraysay Stoke City. Laakiin  waxa uu go’aansaday  inuu ciyaaro  kulankii ugu horreeyay  Chelsea ee xilli- ciyareedkan.

John  Obi Mikel ayaa la waayey  habeenkii  jimcaha, ka dib markii uu ku soo laaban waayey  shaqada.

Warbixin qoraal ah  oo ay soo saareen  Mikel management  group  ayaa  yidhi “SEM waxa  ay xaqiijinaysaa  in aabaha  John Obi Mikel  lugu afduubay dalka Nigeria 12 August , ilaa haatan wax madaxa furasha ah  ma helin”

John Obi Mikel  waxaa u sheegay warkan  tababarihiisa ka hor  kulankii  Stoke City iyo Chelsea , waxaanu   go’aansaday  inuu ciyaaro   si uu kooxdiisa iyo  Qoyskiisaba aanu hoos ugu dhigin .

“Chelsea FC  waxaay raadinaysaa talo ku saabsan dhinaca  sharciga  ah oo ku aadan shir jaraa’id  oo maanta gelinka dambe ay qaban doonaan, iyo arrimaha amaanka ee ciyaariyahanka” ayaa lugu yidhi warbixintaas.