Jidad ku yaala Hargeysa oo loogu magac-darayo Boqorka iyo Amiirrada Sucuudiga

Hargeysa (SLpost)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa shaaca ka qaaday inay qorsheynayaan in saddex waddo oo ku yaala caasimadda loogu magac-daro Boqorrada iyo Amiirrada Sucuudiga, kuwaa oo uu sheegay inay dhismahooda bilaabi doonaan.

Maayar Soltelco waxa uu sidan ka sheegay xaflad xalay magaalada Hargeysa ugu qabsoontay jaaliyadda Somaliland ee dalka Sucuudiga, taas oo lagu xusayey maalinta Qaranimada dalkaasi Sacuudiga, waxaana ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Xildhibaanno ka tirsan Golayaasha Qaranka, xubno ka socday jaaliyadda Somaliland ee dalka Sucuudiga iyo Marti-sharaf kale.

Hadalka Maayar Soltelco ka jeediyey munaasibaddan Ka daawo Muuqaalkan