Itoobiya Oo Soo Badbaadisay 19 Oo Ka Mid Ah 100 Carruur Ah Oo Qawmiyad Reer Koonfur Suudaan Ahi Ay Af-duubteen

Addis Ababa, (SLpost)- Dadka af-duubkaas gaystay oo ka mid ah qawmiyadda Murle ayaa weeraray xadka galbeed ee Itoobiya bishii hore, waxayna gaysteen dhibaato baaxad leh.
Waxay dileen in ka badan laba boqol oo ruux waxayna af-duubteen in ka badan boqol caruur ah.
Ciidammada Itoobiya ayaa galay South Sudan iyaga oo ku raad jooga dadkii weerarka soo qaaday, balse waxa lagu qanciyay inaanay dagaalamin.
Dawladda South Sudan ayaa wada-hadal kula jirtay cuqaasha deegaanadaas si loo soo daayo caruurta.
Sagaal iyo toban ka mid ah caruurtii ayaa dib loogu celiyay dalkoodii Itoobiya.
Dedaalo ayaana la sameeyay si kuwo kale loo soo daayo.
Jawaabta ay ilaa iyo hadda ka bixisay South Sudan ayaa u muuqata inay baajisay muran soo kala dhex-gala dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya oo awood badan leh.