Marka hore waxan salamayaa dhamaan haweenweynaha somaliyeed gaar ahaan haweenka somaliland waxan raali galin ka siinyaa maqaalka aan doonayo inaan halkan ku soo bandhigo waxyaabo aan umaleeyey in ay ku cusubyihiin dhaqanka dumarka oo baryahan dambe aad bulshada dhaxdeeda lagaga sheekeysanyey qaar ka mid haweenka somaliland oo aan tirdood badnayn oo ka leexday wadadii haweenka laga yiqiin una leexday waddo khaldan oo aan haddii aan laga hortagin keeni karta cawaaqib adag oo aan xalkeeda la maareyn Karin isla markaana jeexi karta waddo weyn oo haweenkeenu ku jabaan.
Hadaba waxan ognahay in haweenka ama dumarka somaliland ay yihiin dumar biri-ma-geydo ah oo ka soo qayb qaatay dib u dhiska somaliland islamarkaan hor seeday horumarkan aan
maanta ku naaloonayno, sidoo kale dumarku waa barbaariyha carruuurteena waan maskaxadaka dambeysa jihaynta bulshada, sidoo kale dumarku waa wada loo maro horumarka iyo hiigsiga fog mana gayaan in la caayo ama waxa laga sheego. Laakiinse hadan waxa laga ma maarmaan ah in lasoo gubiyo wixii macluumaad ah ee marakaa loo arko ina haweenka lagaga leexiyey wadadii saxda ahayd ee sharaftoodu ku jirtay iyo magacooduba.
Hadaba muddooyin badan ayaan maqli jirnay waxa khaati laga laga taagan yahay qaadka iyo sigaarka oo dalkeena ka noqoday waxa iska caadi ah islmarkaana loo aqoonsaday inuu yahay mid ka mid waxayaabaha bulshadu isku casuunto amaba asxaaabta laftoodu isku casuumaan waxana loo aqoonsaday waxa kamid waxayaabaha lagu bixyo hadyadaha sidoo kale markaad aroos ama meel shaqo ka socota aad aragto waxaaad arkeysaa dad badan oo qaadka cunaya, sidoo kale qaadku waxa uu sababay waxayaabo badan oo dhibaato iskugu jira sida caafimaad darro badan oo keenta xanuun sid waalida ama xanuunada ku dhaca maskaxda,
Hadaba dalkeena qaadka waxa cuni jiray oo kaliya raga laakiinse xaalkii sidaa ahaan jiray waa iska badalay oo qaadkii waa joogi waayey meeshiisii hore oo waxa uu u soo gudbay haweenka waxad arkeysaa dumar faro badan oo qaadka aad u cunaya islamarkaa waxay la qayilaan intood badan waa rag oo qaadka dumarka waxa uga macalin ah rag oo qaar waxba magarto ah oo aan ka naxayn haweenka ayaa u horseedaya hawshan. Dumarka soo faro saartay raga intood badan waxay ka yimaadaan dhinaca quruaha oo waxanba waxay u haystaan wax iska fudud mana fahansan in waxani uu keen karo dhaawacayo aan laga soo waaqsan Karin.
Sidoo kale waxa jira kor u kac ku yimid cabista shiishada ee dalkeena isla markaana waxaaad arkeysaa meelaha lagu kireeyo oo aad mashquul u ah waxaanba xasuutaa hotel crown oo aan booqday wakhti taariikhdu hayd sannad kor waxaan la yaabay waxan bartaa ku arkay oo aan ku macneeyey inan joogno carabtii oo waxan arkay dad fadhiya hoolalkii oo qiijinaya shiishada isla markaana waxa loo wadaagyaa sidii carabta waxan qiimaheedu ahaa wakhtiga 5 doller,
Sidoo kale meesha waxa iman jiray dad qarsada ama baranayey shiishada oo gala meelo madow isla markaana waxa dhacda inuu qofkii uu si fudud u fahmo sidoo kale waxad maqlaysaa dad badan oo fahmi waayey oo ku dawkha shiishada oo isla markaana waxay ku dhacyaan isla goobtaa
la soco qaybo kale oo aan ka diyaarinya waxayaabaha sababa kor kaca balwadaha
Mawliid Abdi Yabarag.
Tell: 063-4187997 ama 9860624
Email: mawliidhamse@hotmail.com