Hoggaan Cusub oo loo Doortay Laanta Xisbiga Kulmiye ee Jarmalka

Kassel (SLpost)- Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye laantiisa Wadanka Germany ayaa Maanta si Rasmi ah doortay Hogaanka Sare ee Xisbiga Kulmiye ee Dalka jarmalka Hogaamin doona Muddada labada Sanno ah ee soo socda.

Shirwayne Balaadhan oo ay kasoo qayb galeen Hogaankii hore ee Xisbiga kulmiye, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga iyo Taageerayaasha Xisbiga ee Jarmalka ayaa  Saaka ka Qabsoomay Magaalada Kassel halkaasi oo lagu Doortay Gudoomiyaha Rasmiga ah ee Xisbiga kulmiye Germany oo Cod aqlabiyad ah loogu Doortay Mudane Aadan Cabdi Aleeli,  Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga ayaa isna loo Doortay Mudane Sharmaake Cabdi Maxamuud Qolombi, halka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Laantiisa Germany Loo Doortay Mudane C/fataax Maxamed Ibraahin (Taaxo).

IMG_2128Hogaanka Xisbiga ee Maanta la doortay ayaa Noqon doona Hogaanka Rasmiga ah ee Laantii Xisbiga Kulmiye ee Germany ka saari doona Ku meel gaadhnimadii mudda uu ku jiray Xisbigu.

Gudoomiyaha Cusub ee Loo Doortay Xisbiga Aadan Cabdi Aleeli oo madasha hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay Golaha Dhexe ee Xisbiga Xilka ay udoorteen isaga oo illaahay ka baryay inuu ku Asturo Xilka ay saareen.

IMG_2117Gudoomiye aadan ayaa sidoo kale Magacaabay Gudoomiyaha Garabka Haweenka oo uu umagacaabay Saado Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Garabka Dhalinyarada Maxamed Yaasiin Ilkacase, Gudoomiyaha Gobolka Hessen, C/samad Xasan Deex, Gudoomiyaha Gobolka Berlin and Brandbrug Maxamed Axmed Badde, Gudoomiyaha Gobolka Torigen Axmed Dayib Cali, iyo Gudoomiyaha Gobolka Badenwuttenberg Axmed Abu walad.

Waxaanu intaasi Raaciyay inuu Dhawaan soo Buuxin doono Xubnaha Goballada hadhay oo dhan iyo Xubno kale oo muhiim ah oo Kaalin Mugleh kaga jira Xisbiga Kulmiye.

IMG_2125Xoghayihii hore ee Xisbiga Kulmiye Cabdalle ayaanle Cartan oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in Doorashada hogaanka Xisbigu si Cadaalad ah udhacday isla markaana uu ku Hambalyaynayo Hogaanka Cusub ee Loo Doortay Laantii Xisbiga ee Dalka Jarmalka, waxaanu kula Dardaarmay in ay udhabar adaygaan Halganka Culus ee xisbigu wajihi doono Doorashooyinka soo socda, kaalintoona ay la garab istaagi doonaan.

 

Kassel/ Germanay