HIIL JACAYL – W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

RIDWAANCaashaqa haween waa horuu Caaddil soo rogaye

Sayidkii Carshiga nuurayiyo Caliba soo gaadhye

Cidla‘ lagama beermeen dadkoo cuudi waaxida’e

Waxaa caynba cayn looga dhigay hays cajebiyeene

Soomaalidaa caado xumee iguma caydeene……. (Cilmi-Boodhari)

Waa qoraal gabaan oo aan rabo in aan si kooban ugu soo bandhigo dhibaatada ka haysata dhalinteena soo bandhiga shuruuctooda nololeed iyo waxa saameynta ku leh oo iyagu ah kuwo si joogta raadayn aan laga soo waaqsan karayn ku haya. Taasina may noqon mid xal u noqota dhibaatooyinka tirsanayaan qalbiyo badan. Waxa ila qumanaatay in aan idin soo gudbiyo qoraal gaaban oo aan doonayo in aan dad badan dareensiiyo in falalka qaar hubsiimo daridoodu ay ka dhalato saameyn dhibteeda leh, oo aan loo jeedin ama laga dhego-adaygaayo dhawaaqyada ka soo yeedhaya qalbiyo la tag darran dhaawacyada loo geysanayo ee kaga imanaya bulshada dhexdeeda. Waxaa ii muuqata oo aan ogahay in waxyeelladani ay tahay mid  midhihii ka dhashay maanta lahayo faa’iido daradoodii, waayo waxaan ognahay in manta da’yarteenu  ay yihiin boqolkiiba 80% dhalin wadaagta ama ku dhex nool bad-weynta jacaylka taaasoo ay u doorbideen inay u arkeen xalka keliya ee ay nolol ku abuuri lahayeen iyagoo og cawaaqiibta tirada badan ee soo foodsaraysa.

Jacaylku waa dareen dhab ah oo ku abuuran qalbiyada aadamaha , waana dareen jiraal kiisu uu yahay mid ku cad soyaalka soomaliyeed oo hadii jacaylba la maqlo cid u dhibtootay lagu soo hal qabsado abbihii jacalka alle  ha u naxariisti Cilmi boodhari oo u waayey  naftiisii, waa dareen raadayn laxaad leh ku haya mustaqbalka da’yarta taasina ay noqotay mid xalkeedii fara ka bax noqday waayo indho meel ujeeda waay dhib yar tahay sida loo soo jeediyaa qalbise meel ujeeda waa mid ay adag tahay soo jeedintiisu.

Waxaan hubaaa in si fiican looga waba dharagsan yahay jacaylka iyo wuxuu yahay, wuxuu guddo iyo galaba intaba, waxaase jira arrimo saameyn laxaad weyn ku yeeshay dareenkan iyo hanaqaadkiisa oo ay dad badani u arkaan si yaabo kala duwan, qalbiyada lamaanayaal farabadanina ay yihiin kuwo u boholyoobay una tiiranyeysan dareenkan iyo saameyntiisa waayo waxaad in badan indhaahagu qabtaan ama aad maqashaaba da’yar naftoodii u weyday dareenkan awgii halka ay kuwo kalena maankoodii ay ku wayeen.

Ma xuma in aad ruumeyso wax niyadaada kuweyn ama aad naftaada u hurto shaqsiyaad uu jacaylkuu galay si aad ugu muujiso heerka ay kaa tagan tahay, ma dhibyara in noloshaada ay ku waydaa dareen aan lagu la fahansanayn, ma fududa sidii aad uga go’i lahayd qof niyadaad dagay ama geshi kugu leh.

Waxaa laga yabaa in aad isweydiiso su’aalo badan oo aanad jawaab waafi ah u helayn, waayo waxaad tahay qof aan ogahay dareenkiisa guud iyo baahidiisa , waxaad tebaysaa qof kugu weyn , waxaad u baahan tahay nolol ku dhisan adiga iyo qofkaad calmatay, waxaad tahay qof ku nool rajo iyo rajo la’aan, farxad iyo murugo, waxaa in badan fikir kugu dilay siduu xaalkiinu noqon doon iyo hadafkaad qabtaan.

Waxaase ayaan darro ah in aanay jirrin cid idiin dareensan dhibaataad ku nooshihiin iyo waxaad tebaysaan, waxa intaa idinkaga sii daran waxyeelada joogtada ah ee laydiin geysanayo, waxaanse shaki ku jirrin in korodhka dheelmiska ee dhibtiinu ay tahay mid maalinba maalinta ka danbeysa idinku sii ridayso jid xun iyo wadooyin aan dhaamin iyo fikir qaldanoo aad ku xoreynaysaan dareenkiinan, tanina maaha mid ka qarsoon indhaha bulshadeena.

Hadaba maxay tahay sababta dhibaatadan looga indho qarsanayo iyadoo la og yahay in jidkan lahayaa uu khaldan yahay?

Way igu adkaatay in aan afkaar kasoo wada qaada dhalinyarada soomaliyeed meelkasta oo ay joogaan, hadan intii iiga suura gashay ayaa ah kuwo fikirkooda ku saleeyey dhawr qodob oo tilmaamaya sababaha dhaliya cudurrada ku sii faafaya bulshadeena dhexdeeda ee lagu ta koorayo jacaylka iyo dadkiisa:

ü  Dano gaar ah

Waxaa laga yaaba in da’yar damacday in ay abuuran nolol sidii ay u dheefsan lahayeen midhaha jacaylkoodan ay yihiin kuwo danno-gaar ahaneed laga leeyahay laba garab ee raba inay guri cusub abqaalaan midkood, waayo waa cawadiif liidata in nolol u bahan duco iyo hebeyn keliya aad kaga doorsato maal, duunyo iyo waxaan dhaamin iyo inaad jid xun u horseedo qaybo ka mid ah waaxyahaaga.

ü  Ikhtiyaarkii nolosha oo meesha ka baxay

Marka laga yimaado qodobkan hore fikirka kale ee dadkeena ka dhaadhacsani wuxu yahay in aanay noloshuba u baahnayn in lagu dhiso ikhtiyaar ka dhasha lamayaasha abuuraya nolol midaysan taasina waa mid sahali karta in lahelo guri ku dhisan xasilooni iyo doonis ka dhex aloosanta qalbiyadan is doortay, hadaba ma tahay mid dadkeenu sidaas u dareensan yihiin, haday dareensan yihiina ma tahay mid lagu dhaqamay, waxaan filayaa in jawaabtu ay tahay mid ku cad dhacdooyin badan oo aad u soo joogatay waayo immisa jira lamaane noloshooda qasab laysugu sidkay iyagna awlaadoodu kula macaamilay lama koobi karro. Waxaana laga dhaxlay dhaqamo iyo caadooyin raad xun kaga tegay bulshada dhexdeeda.

ü  Noloshii oo qabyaalad noqotay

Arrintani waa mid dhuuxa kaga abuuran dadkeena waayo  inaagaba ah dadku dhisan qabiil, ma xumo in laysku qartaa laakinse waa mid ku dhaqankeedu ka mid noqday nolol maalmeedkeeni tanina may noqon mid midho dhal wax ku ool ah laga gaadho waana mid ku xusan soyaalka soomaalida wixii laga dhaxlay.

Afada qabiilku ama qayaaladu waa mid kala irdhaysay qalbiyo aan u adkaysan Karin damqashada, waaa na mid abuuratay heerarka kala saraynta nolosha oo noqtay kuwo dadka qaar lagu yaso nasabkooda kuwo kalena layidhaahdo waa laan dherayaal iyo waxaan dhaamin, waana dariiqo raad xun kaga tagay bulshadeena.

ü  Dhaqamada kala duwan

Qodobkani waa mid aan ka madhnayan carqaladah horyaal da’yar ku taamaysay hadafkooda nololeed, waana dariiqad saameynteeda leh soona afjarta rajada dhalinyaro fara badan.

Waxaa dhaqankeena kamid sida aan ku maqlay dhacdooyin badan in dhulalka qaar ay soomaalidu degto wali ay ka sii jiraan in gabadhu markay qaan gaadho iyadoo wax la weydiiyey aanay jirin uu walaalkeed ama abbaheedaba u siiyo wiil isla mar ahaanta aanay jirin wax meher ah oo isku haya keliya ay tahay mid afka laga bixiyey oo la leeyahay way doonan tahay, arrinta kale  dhacda waxay tahay in  hablaha loo isticmaalo in lagu xaliyo dhibaato dhextaala laba reerood iyadoo gabadha loo bixinaayo inay noqoto godob reeb.

Marxalladba marxald ka darane waxay noqotay nolosha da’yar badani mid ku dhisan rabitaan la’aan iyo daano gaar ahaneed, wax faa’iido laga hayaana anay jirin maanta.

ü  Caqiidadii islaamiga ahayd oo laga tagay waxay ina faraysay

Dhibaato kasta oo ka dhalata maxsuul kasoo baxay dariiqo waa mid ku haboon waxyeelladeeda waayo in ciqaabteeda la maraa waa mid lagu kasbaday in lagu kacay waxaan haboonayan inagoo sameynay waxan loo baahnayn, tanina waa mid horseeday in daawadii waxa lagu daaweyn lahaaba ay noqotay mid gabtay waxtarkeedii waayo daawana sabab la’aan wax ma daaweyso hadii aan lala iman camal.

Waxaan uga socdaa waxaa la hilmaamay ku dhaqankii haboonaa ee ka sugnaaday nebigeenii iyo siduu inoogu dhigay in nolosha lagu abuuraa, markasaan meel kale u kacnay oo aan ka baadhnay waxaan jirin si loo helo nolol cusub oo ku dhisan duunyo iyo filkeed oo markasta laga madhan yahay.

Hadaba maxaa laga dhexlay waxyeelladay abuureen qodobadani? Mase noqotay mid lagu reeyo ama laga helay wixii larabay? waxaanu ka helnay midho anfaacoodi noqday mid aan haboonayan eelna kaga tagay dageenkeenii iyo jid xun oo ay ku habaabeen dhalinteenii taasoo horseeeday;

ü  In faxashadii si dhib yar leh ay ugu dhex faafto dageenkeenii

ü  In dhaqanada la soo minguriyey ay noqdaan kuwo si dhib yar leh inoo radeeya

ü  In cuduro badanoo aan daawo lahayn ay  ku dhex abuurmeen bushadeenii iyo kuwo kale

Hadaba bulshadeena arrintani ma mid ka qarsoon baa oo ay ka indho la’aadahay mise waa mid xaalkeedii noqday faro ka bax oo aanay jirin meel laga soo celiyaa, wali waxaa ii muuqata rajo ah in dib loo soo noolayn karo geedihii iyo ubixii u dhintay macdan la’aanta ee la gabay wax soo saarkoodi iyo hoobaantii laga dheefsan lahaaba, waxaan arkaa qalbiyo weli rajaynaya soo roogaal celintoodii.

Xalku wuxuu yahay hadaan cabiro fikirkayaga in la hir geliyo dhawr arrimood oo kala ah;

  1. In la fuudaydiyo guurka
  2. In laysku daayo qalbiyada raba in ay nolol abuuran layskuna xalaaleeyo si aanay ugu dhiiran faaxishada
  3. In la tabaaleeyo nolosha iyo wehelkeedaba si loo kaabo dal dalooladeeda si aanay u abuurin kala tag iyo furniin
  4. In waaldiinta lasoo jeediyo wacyi gelin fara badan si aanay ubadkooda ugu horseedin inay ku dhacaan surmooyinnka nolosha.

Shaki kuma jiro in aan ahay hiil waayo waxaan dareensanahay dhibta uu leeyahay jacaylku iyo saameynta uu nolosha ku leeyahay oo ah mid kugu kelifi karta waxaan la jeclaysanayn iyo dhibaatooyin hor leh. Waana hubaal in aanay jiriin wax guur kaga fican lamaane is jecel. Waxaan maqaalkaygan ku soo af meerayaa qiso ka dhacday magaalad hargaysa laba-sanno iyo badha ka hor oo weli lamaanihii ay ku dhacdayna midba meel la jiifo tiiraanyadii iyo dhibtii loo geystay dareenkoodii, waxaanse nasiib u helay in aan la kulmo lamanayaashii mid kamid oo hada ku sugan Ethiopia halkaas oo u jamacada u joogo halka garabkisii kalena ku nool yahay Hargeysa gaar ahaan xafada ina-kirix, waxaanu u dhacay waraysigii na dhex maray sidan;

Waxaad iga waran taa siday wax u dhaceen?

Inkasta oo aanan qisadan kaaga wada warami Karin hadana waxaan isku dayay in aan ku soo koobo << Wuxuu aniga iyo  Quman dareenkaygu hano-qaaday 27-8-2008 waqtigaas oo aanu u arkaynay inuu munaasib ku ahaa hano-qaadkiisu, waxaanu ahayn da’yar ku taamaysay in ay abuuran nolol ku dhisan jacayl iyo niyadsamaan taasoo aanu u arkaynay hadafka keliya ee aan ku dheehan karno midhah jacaylakayaga.  Waxaan muudo ku wada noolayan jacayl iyo hawadii, nasiib wanaagse waxaa go’aan ku gaadhnay muuddo laba sanno iyo badh ah markuu dhisnaa jacaykayagu in aan mideyno noloshayada si aan u rumeyno hadafkayagii ahaa unkida nolol lamaanenimo, oo ku dhisan qalbiyo mideysan, allese naguma dhibina waan is hantinay iskuna reynay. Muddo yar kadib qaban qabadii hoygaan yeglayli lahayn baradiisii la hufaayo ayaa waxaa noo dhashay wiiilkaygii curdeed oo noqday midhiihii kowaad ee aan goosano, waagii beryaaba waa dhiilo iyo samaan miduune waxaa dhacday in tiirar ka qoysku uu ku dhisan yahay mid ka mid ah ee ay Quman ka soo jeeday ka soo baxay go’aan runtii labadayadaba raad nagaga tagay sababtuna ay ahayd waxyaabo la xidhiidha cadiifadaha ka dhaadhacsan waalidiinteena qaarkood.

Waxaan sidii ahaanaba ugu danbeyntii jacaylakaygii waxaa u noqday mid horseeda dhawac iyo colaad ku habsatay laba reerood ee aan ka soo kala jeednay, ugu danbeyntii waxaan sidaa ku waayey Quman iyadna aan kaga fogaaday. Weli waxaan ahay qof aanay niyadiisu daganayn oo ku nool riyadii yio jacaylkii Quman aan soo wada marnay, waxana rajaynayaa in aan heli doono qoftay niyadaydu raacday taasina ayna ahayn mid gacan aadami ku jirta ee aan ka sugayo illaahay, waxanan rajaynayaa in aan qisadaydan iyadoo qoran aan soo saari doono insh -allah>>>

Runtii waa dhacdo murugo leh oo uu iga waramay wiilkii ay beegsatay , waana wax la naxo lamaane dhan oo noloshooda iska doortay in hadana sida loo burburiyaa ay tahay mid waxyeeladeeda leh, waana ayaan-darro in nolol loo dumiyo maal, duunyo iyo waxaan macno ku fahdhiyin.  Waana wax laga digigixoodo  markaad maqasho ama aad aragto nolol bilaa xoriyad ah waayo lama diidin shareeco ahaan in qof weliba uu guursado ruuxii uu u arko inuu noloshiisa la qaybsan karro taasina ay tahay mid ka sugnaatay nebigeeni <scw>.  Waxaan farriin u dirayaa dhamaan waalidiinta soomaliyeed meshay doonan ha joogaane in aanay jirin wax qasab ah oo gabadha lagu qasbayo wiil aanay ka raali ahayn , anigu maan odhane waa hadal kaa soo baxay tusaalihi dunidan loo soo diray nebi Muxamed<scw>. Waxaan ku soo afjarayaa qoraalkaygan gaaban erayo uu ahal abuuray wiilkan ay ku dhacday dhacdadan aan ku soo qaatay maqaalkaygan waxaanu yidhi;

Hamuunyadan I haysa hankaygan hawanaaya

Huqdan ku raadinaysa hamigan I habaaya

Hodaney I hagaaya, hurdana iga hilaabay

Halkeen kula hagaaga?

Hantaaqmayo hiraabay, hogmayo haraaday

Hadimana hagoogtee, hadmaan hadhsano

Hoy lagu hirtiyo , hadhaciisa hooskiyo

Hoobaan aad moodo, lagu hagar baxaayo

Hodan kula huleeli ku hilmaami habaasiyo

Intay haween iciileen,qalbigayga hareen

Dumartaan ka hayshay, hul madow ku hoobeen

Habradeen hankeedii, hoojeen hirkeedii

Ha samaado lahayde , hiigsigeedu ahaa…

 W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Email: ridwaan_99@hotmail.com