Hargeysa: Soo-dhaweyn aan loo kala hadhin oo lagu qaabilbay Ustaad Maxamed Siciid BK iyo Weedhihii uu kaga falceliyey

Hargeysa (SLpost)- Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxa maanta gelinkii dambe si ballaadhan loogu soo dhaweeyey Fannaanka Caanka ah ee Maxamed Siciid BK oo in muddo ah socdaal ugu maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Ustaad Maxamed Siciid BK, ayaa ujeeddada socdaalka uu ku tagay dalka Kenya ahayd sidii uu halkaas ugu qaban lahaa bandhig-faneed uu kula kulmo taageerayaashiisa Fanka, haseyeeshee tiraba dhowr jeer ayuu ka baaqday bandhig-faneedkaas, iyadoo siyaabo kala duwan lagu micneeyey sababta keentay baaqashadiisa, iyadoo markii u dambaysay ciidamada Ammaanka ee magaalada Nairobi ku wargeliyeen fannaanka in bandhig-faneedkaas loo baajiyey sababo amni, iyadoo qaar ka mid ah bulshada ku dhaqanka magaalada Nairobi intooda badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi Soomaaliya ay sida la sheegay ku hanjabeen waxyeello ay u geystaan fannaanka.

 

Haddaba, waxa fannaanka markii uu maanta soo gaadhay gegida diyaaraha ku qaabilay masuuliyiin ka socota xukuumadda, Fannaaniin iyo dadweyne tiro badan oo ku lebbisan Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu fannaanku hadal uu ka jeediyey barxadda hore ee madaarka ugu mahad-naqay dadka ka qayb-qaatay soo-dhaweyntiisa.

 

Fannaan Maxamed Siciid BK, ayaa markii markii dambe loo gelbiyey garoonka Kubadda Cagta ee magaalada Hargeysa oo ay ku sugnaayeen Boqolaal shacabka reer Hargeysa ah oo ku dhawaaqayey Magaciisa.

 

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo baaxadda Soo-dhaweynta lagu qaabilay Maxamed Siciid iyo Weedhihii uu ka yidhi soo-dhaweyntiisa iyo Baaqashada Showga uu ka dhigi lahaa magaalada Nairobi.