HARGEYSA: Isku-Dhac Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay, Booliska Oo Aan Ka Hadal & Xogta Siday Wax U Dhaceen

Hargeysa (SLpost)- Allaah ha u naxariistee Laba Wiil oo Dhalinyaro ah ayaa geeriyooday, mid kalena wuu dhaawacmay, ka dib markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland uu Rasaas nool ku furay Dhalinyaro ay saddexdaa Wiil ka mid ahaayeen oo Kooxo-Xaafadeedyo isu-shiidayey gelinkii hore ee Axaddii shalay Xaafadda Cabbaaye oo ka tirsan degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa.

Meydka labada Wiil ee dhintay, ayaa la dhigay Qolka Meydka Cusbitaalka guud ee Hargeysa, halka Wiilka dhaawaca ahna lagu dawaynayo isla Cusbitaalka, Askarigii dhibaatadaa geystayna waa la xidhay, sida ay tibaaxeen ila-wareedyo laga helay Ehelada Dadka wax gaadheen oo Booliska soo xigtay.

booliskaFalkan sababay dhimashada iyo dhaawaca soo gaadhay saddexda Wiil, ayaa ka dhashay markii ay Ciidammada Ammaanku gaadheen Xaafadda Cabbaaye, gaar ahaan qaybta Nasiye iyo agagaarkiisa oo ay isku dhagax-tuurayeen Dhalinyarada Xaafaddaas iyo Dhalinyaro ka soo weerar-tegay Xaafadda Daammi oo Cabbaaye la jaar ah, kuwaas oo markay Xaafadaha iyo Jidadka dhex-mara kala xidheen ee Dadku isu socon kari waayey Abbaaro sagaalkii Subaxnimo illaa tobankii intii u dhaxaysay, la wergeliyey Booliska, Booliskuna halkaas tageen, sida ay Dadka Xaafadda qaarkood u xaqiijiyeen Weriyeyaal Ogaal ka tirsan.

“Ciyaala-Nasiye iyo Ciyaalo-Daammi, ayaa is-laynayey, isla markaana Xaafaddaas kala xidhay Subaxnimadii hore ee shalay sagaalkii subaxnimo wakhti ay ku beegnayd, ka dib Booliska ayaa la war-geliyey, Gaadhi Xaajiyad ah iyo Askar baa yimi, ka dib Askarti markay Gaadhiga ka dageen ee ay Ciyaalkii qaar eryadeen, dhagixina socdo, ayaa Askariga Rasaas furay.” Sidaa waxa tidhi Hooyo ka mid ah Dadka Xaafadda Cabbaaye oo ka ag-dhawayd dhacdadaas oo ay Dadkii ku soo yaacay ka mid ahayd Xabbadda, isla markaana Khadka Taleefanka Xalay ugu Warrantay Wargeyska Ogaal oo la xidhiidhay.

Hooyadaas oo sharraxaadda ay Ogaal siisay sii wadday, waxay intaas ku dartay oo ay tidhi; “Markaa, Innamada dhintay midkood madaxa ayey xabbadu kaga dhacday oo bartii buu ku dhintay, labada dhaawacmay baa lagu qaaday Gaadhiga Booliska, markaa midkood baa Gaadhiga ku dhex-dhintay intii Dhaqtarka lagu sii waday, markaa Anigu meesha Dadkii ku soo cararay baan ka mid ahaa, intaan ogahay 3-daa labada ka midka ahi dhinteen ayuu Askarigaasi wax gaadhsiiyey. Laakiin, waxa jira Dhaawacyo ay Ciyaala-xaafadka is-shiidayey isu geysteen oo Dakharro ka mid yihiin.”

Dhawr Qof oo kale oo ka tirsan Waalidiinta Xaafadda Cabbaaye, ayaa iyaguna Wargeyska Ogaal u sheegay in shalay iyo Xalay ay jiraan Waalidiin iyo Dhalinyaro Boolisku ka xidh-xidheen Xaafaddaas, kuwaas oo isugu jira Dhalinyaradii Shiidka ka qaybgalay qaarkood iyo Waalidiin Wiilal ay dhaleen ka qayb-qaateen Shiidkaas oo aan Wiilashoodii la qaban iyo weliba Dumar ay Dadka qaar sheegeen inay ka gedoodeen Dhimashada iyo Dhaawaca, ka dibna iyagu toos u dhagax-tuuray Askarta Booliska, sida la sheegay.

Hase-yeeshee, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, ayaan dhacdadaas dhimashada iyo dhaawaca sababtay weli ka hadal, sidoo kale Xukuumadda kalena kamay hadal. Inkasta oo Weriyeyaal Wargeyska Ogaal ka tirsani xalay isku dayeen inay Booliska la xidhiidhaan, haddana noomay suuragelin inaannu Wax War ah ka helno, ka dib markii ay ka jawaabi waayeen Taleefannadooda gacanta oo ay Weriyeyaashu ka waceen marar kala duwan oo xalay ah.

Rabshadaha Dhalinyarada Xaafad-xaafadda, Koox-kooxda u dagaallama iyo kuwo Budhcad ah oo Habeenkii Dadka baadha oo Taleefannada gacanta iyo waxay sitaan ee kale-ba ka qaada, weliba garaacisna u raaciya, ayaa beryahan dambe ku soo badanaya qaybaha kala duwan Xaafadaha Caasimadda Hargeysa, ha ugu sii darnaadeen Xaafadaha Cabbaaye iyo Daammi, waxaanay haddii ay sii socdaan dhacdooyinka noocan ah ee Dhalinyaradu ku kacayaan ay sababi karaan amni-darro iyo isku-dhacyo intan ka badan.

XIGASHO: Ogaal Newspaper