HARGEYSA: Huteel Casri ah oo Laga Furay Masallaha iyo Adeegyada uu bixinayo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa xadhigga ka jaray Huteel casri ah oo magiciisa la yidhaahdo BASHAIER PLAZA, kaas oo laga furay Xaafadda Masallaha ee magaalada Hargeysa.

 

BASHAIER PLAZA HUTEEL CASRI AH OO LAGA FURAY HARGEYSA SOMALILAND 2019
BASHAIER PLAZA HUTEEL CASRI AH OO LAGA FURAY HARGEYSA SOMALILAND 2019

 

Munaasibad loo sameeyey furitaanka Huteelkan casriga ah, ayaa khamiistii maanta lagu qabtay xarunta Huteelkaas, waxaana ka qaybgalay Masuuliyiin kala duwan, Ganacsato, Mudan iyo Marti-sharaf kale, kuwaas oo dhammaan Qoyska Huteelkan hirgeliyey ugu duceeyey in Illaahay u barakeeyo, iyagoo sidoo kale uga mahad-celiyey Maalgashiga iyo shaqo-abuurka ay dalka ka sameeyeen.

DADKA KA QAYBGALAY XAFLADDA HUTEELKA LAGU FURAY
DADKA KA QAYBGALAY XAFLADDA HUTEELKA LAGU FURAY

 

“Waxaan u mahad-naqayaa marti-sharafta ka soo qaybgashay munaasibaddan quruxda badan ee lagu furayo Huteelkan casriga ah iyo Qoyska sameeyey Huteelkan quruxda iyo bilicda leh..” sidaa waxa tidhi Haweenay ku hadlaysay afka Dumarka ka qaybgalay Munaasibaddaas.

MID KA MIDA DADKA KA HADLAY FURITAANKA HUTEELKA
MID KA MIDA DADKA KA HADLAY FURITAANKA HUTEELKA

 

“Waxaan leeyahay illaahay ha barakeeyo Huteelkan quruxda badan ee aynu furitaankiisa u joogno. Waan idiinka mahad-celinaynaa maalgashiga quruxda badan iyo shaqo-abuurka aad samayseen ee Allaah ganacsigii barakooba haka dhigo.” Sidaana waxa yidhi mid ka mid ah Odayaasha ka qaybgalay xafladda furitaanka Huteelka BASHAIER PLAZA.

 

Masuul isna ku hadlay afka Huteelka, ayaa sheegay in Huteelkaasi loo diyaariyey goobo amma Hoolal u gaar ah Xafladaha kala duwan, balse qaab casri ah oo aan Muusik lahayn loogu qaban doono Munaasibadaha kuwa aroosyadu ka midka yihiin, waxaanu yidhi; “Waxyaabaha loo sameeyey Huteelkan waxaa ka mid ah Xafladaha Aroosyada, ninkii mid labaad hollanaya iyo kii inankiisa keenayoow waa idiin furan yahay, maalmaha Ciiddana waa free (lacag la’aan).”

GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA SOMALILAND JAMAAL CAYDIID
GUDDOOMIYAHA RUGTA GANACSIGA SOMALILAND JAMAAL CAYDIID

 

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin, ayaa halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyey Huteelkan ku soo biiray bahda ganacsatada Somaliland, waxaanu yidhi; “Huteelkan sida wacan loo dhisay loona bilay, anigoo ku furanaya magaca ganacsatada, waxaan ku furayaa in Illaahay u barakeeyo ciddii maalgelisay. Magaca loo bixiyey waa BASHAIER PLAZA. Maxamed Caddaani iyo Hibo (Qoyska Huteelka sameeyey), waxa la innaga rabaa inaynu ugu ducayno in Illaahay meherad khayr qabta uga dhigo, una barakeeyo.”

 

Maxamed Caddaani Xayd oo ah Mulkiilaha Huteelkaas casriga ah aasaasay, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu u mahad-celiyey Mudanta iyo Marti-sharafta ka qaybgalay munaasibadda lagu furayey Huteelkaas, waxaanu ka warramay adeegyada Huteelku bixin doono amma laga heli doono.

MAXAMED CADDAANI XAYD MULKIILAHA HUTEELKA BASHAIER PLAZA
MAXAMED CADDAANI XAYD MULKIILAHA HUTEELKA BASHAIER PLAZA

Maxamed Caddaanni oo sharraxaya Huteelka adeeggiisa waxa uu yidhi; “Waxaan u mahad-celinayaa Dadkan sharafta leh ee soo ajiibay dalabkii iyo marti-qaadkii aan u geeyey. Mar labaadka waxaan idiin sheegayaa adeegga lagu qabanayaa waa xafladaha oo dhan, waxa ka mamnuuc ah Muusiga. Qaybaha Huteelku way qalabaysan yihiin, Qoyskii doonaa wuu imanayaa wuu degayaa, wax uu soo qaadanayaa ma jirto, malqaacadda iyo fandhaalkuba wuu u yaallaa.”

 

“Cuntooyinka waxaa ka mid ah Caano Geel oo fireesh ah, Cuntooyin macaan oo kale waad ka helaysaa, hawo caafimaad oo macaanna waad ka heli doontaan oo meesha waad ogtiid oo waa Masallihii Hargeysa ee ugu hawada fiicnaa.” Sidaa ayuu yidhi Mulkiilaha Huteelka BASHAIER PLAZA Maxamed Caddaani Xayd.

 

Huteelkan cusub ee BASHAIER PLAZA, ayaa ka mid noqon doona Huteellada casriga ah ee ka jira caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isla markaana waxa uu kaga duwanaan doonaa huteellada kale in xafladaha lagu qabanayaa aanay yeelan doonin wax Muusig ah, waxaana laga heli doonaa adeegyo, Jiif, Cunto fiican iyo degganaansho-ba.

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalkan Xafladda lagu furay Huteelkan cusub:-