Hargeysa: Dowladda Hoose oo Boosaska Sariibadda SOLTELCO ee Suuqa Gobonimo oo Bakhtiyaa-nasiib ugu Qaybisay Ganacsatada Wadhatada ah

Hargeysa (SLpost)- Munaasibad ballaadhan oo saaka ku qabsoomay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa, ayaa ganacsatada wada-tada ah si bakhtiyaa-nasiib ah loogu qaybiyey boosaska sariibadda khudaarta ee suuqa Gobonimo ee Soltelco oo dhismaheeda dhawaan la dhammeystiray.

 

Munaasibadda waxa ka qayb-galay oo goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna duqa degmada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ku-xigeenkiisa, xoghayaha fulinta dowladda Hoose, Maamula gobolka Maroodijeex iyo dadweynaha loo qaybinayey boosaska.

 

Faahfaahinta Warkan kaga bogo Muuqaalka Hoose