Hargeysa: Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga U Taxaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddida Xuquuqal Iinsaanka

Hargeysa (SL.Post) Guddoomiye ku xigeenka Koomiishanka xuquuqul insaanka qarranka Somaliland Maxamuud Garaad Maxamed  ayaa muddo Saddex maalmood ah ku xidhan Xarunta Danbi baadhista ee loo yaqaano C.I.D ee magaalada Hargeysa.

Warar Xogogaal ah ayaa tibaaxay in Masuulkaasi uu ku xidhan yahay C.I.D waxanay wararku intaasi ku darayaan in Ciidanka Boolisku ka soo qabteen Gurigiisa oo ku yaalla magaalada Hargeysa.

Ma cada sababta rasmiga ah ee Masuulkaasi loo xidhay balse ilo xogolaal ah ayaa sheegaya in tuhuno ay dawladu daba socotay lagu xidhay masuulkaasi.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koomiishanka xuquuqul insaanka qarranka Somaliland ayaa Xilal wasiir uga soo qabtay Xukuumadii Riyaale, halka Xaaskiisuna tahay Wasiirka Wasaarada Deeganka iyo Horumarinta Shukri Baandare.

 

Somalilandpost.net