Hargeisa: North Star College oo soo Kordhiyey Bareyaal Cusub oo Ajaanib ah iyo Bushaarada Cusub ee Ardayda

Hargeysa (SLpost)- Kuliyadda NorthStar College oo lagu barto Luuqadda English oo qaab Casri ah ardayda loogu dhigo, isla markaana ay inta badan Macalimiintu yihiin Ajaanib u dhashay dalalka lagaga hadlo luqadda English, ayaa soo kordhiyey macalimiin Cusub oo luuqadda la dhashay.

 

NorthStar College oo ka mid ah Xarumaha Waxbarasho Gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Hargeysa, waxa ka hawl-gala macalimiin intooda badani yihiin Ajaanib, waxaanu dugsiygu wax weyn ku soo kordhiyey qaabka Casriga ah loo dhigo luqadda English-ta, iyadoo ardayda ugu badan ee wax ka barataa yihiin Ardayda ku jira Jaamacadaha Dalka.

 

Haddaba, maamulka Kuliyadda North Star College, ayaa bulshada ugu bushaareeyey inay casriyeyn iyo ballaadhin ay ku sameeyeen iyagoo soo kordhiyey Bareyaal Cusub oo dalka dibaddiisa uga yimi inay luqadda English u dhigaan Ardayda Wax ka barata Xarunta oo marba marka ka sii dambaysa tiradoodu sii kordhayso.

 

MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO FAAHFAAHINTA WARKAN

 

https://www.youtube.com/watch?v=fz7wmJ0gdoI