Hanti-dhowrka Guud oo Baadhis kedis ah ka bilaabay Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarka Diyaaradaha Hargeysa

Cabdi Dirir
Cabdi Dirir
Cabdi Dirir

Hargeysa (SLpost)- Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa maanta baadhitaanno la xidhiidha xisaabaadka la xidhiidha dakhliga soo gala iyo kharashaadka ka bilaabay Hay’adda Duulista iyo Madaarka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Baadhitaannada ayaa qayb ka ah hawl-gallada caadiga ah iyo masuuliyadda uu xambaarsan yahay Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo muddooyinkii u dambeeyey laga dareemay dar-dargelin xagga hawl-gallada baadhista ah oo ka duwan qaabkii hore ee xafiisku u hawl-gali jiray, iyadoo hawl-galladani yihiin qaar kedis ah oo aan la sii ogeysiinin hay’adaha bartilmaameedku yahay. 

Hawl-galkan waxa ka horreeyey baadhis kedis ah oo Hanti-dhowrka Guud todobaadkan ka bilaabay Xafiisyada Golaha Deegaanka ee magaalada Hargeysa oo baadhis kedis ah laga sameeyey.

Haddaba, saraakiisha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa faahfaahin ka biixiyey baadhista ay maanta ka bilaabeen Xafiisyada iyo ilaha dakhliga ee Hay’adda Duulista Hawada iyo Madaarka Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

FAAHFAAHINTA WARKAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSEÂ