Hanti-dhawrka oo Xabsiga Dhigay Xoghayaha Degmada Fara-weyne oo Maamulkiisa Bulshadu Ka Cabatay

Hargeysa (SLpost)- Saraakiil ka socotay Hay’adda Hantidhawrka Qaranka Somaliland, ayaa xabsiga dhgay xoghayaha degmadaa Ismaciil Muxumad jaamac . kadib markii ay baadhis ku bilaabeen xafiiskiisa, iyagoo  gacanta ku dhigay document  badan oo la xidhiidha musuqmasuq iyo wax is dabo marin, ay sameeyeen gudoomiyaha iyo xoghayaha demadaa.

Sida ay warbaahinta u sheegeen Xogo mihihiima ah oo laga helay dadka, waxayna wararku sheegeen in Xoghayaha saacado kadib lasoo daayay.

 

Baadhista Hantidhawrka, ayaa timi markii ay soo baxeen cabashooyin ka yimi dadka deegaanka , iyadoo Dadka Beeralayda ee  degmada Fara-wayne cabasho xoogan ka muujiyey lacag badan oo lagu kordhiyey canshuuro  aanay qaadi Karin dadka oo wakhtigan xaalado iyo duruufo nololeed.

Qaar ka mid ah dadka  Beeralayda oo diiday in la xuso magacyadooda, ayaa warbaahinta u sheegay in  markii hore Beeraha laga qaadi jiray 50,000 lacagta Sl/shilling, balse bilihii u danbeeyay lugu kordhiyey laban-laab, taas  oo ka dhigaysa in lacagta hada la kordhiyey ay tahay 50,000 S/l Sh. sidaa awgeed hada lacagta laga qaado Beeraha  ay tahay, 10, 0000 S/L  sh. Waxayna sheegeen inay culays ku tahay  bulshada.

 

Dadka arrintan ka ahdlay, ayaa sheegay  in gudoomiyaha Maxamad Abiib Cismaan , (siikaawi). iyo xoghayaha  Degmada Fara-wayne, Ismaciil Muxumad Jaamac  lacagtaa lagu kordhiyay horre ugu sheegeen inay wax kaga qabanayaan adeegyada aasaasiga ah ee Degmada oo kusoo celinayaan  degmada, balse aan waxba lagu soo celin.

Degmada  Fara-Wayne oo ku taal duleedka Galbeed ee Magaalada Hargeysa, waxa  ilaha dakhligu kasoo galo ka mid ah Kastamka wax lagu canshuuro,  iyo kabka dawlahadda hoose iyo canshuuro kale.

Degmada  Fara-weyne oo xuduud la leh dalka itoobiya ee aynu jaarka nahay, waxay hore uga xidhnayd dhinaca xadka inay maraan badeecado, balse xilligan u furan xadka ay la wadaagto dhanka dalka Itoobiya, waxaana warar xog ogaali ah sheegayaan in dhaqaale badan kasoo galo, taas oo haba yaraate aan ku dhicin khasnada dawlada hoose degmada,  sida ay sheegayaan xogahaa.

Maamulka Degmada oo aanay suurta gelin inay jawaab ka bixiyaan waxyaabaha lagu eedaynayo, waxay Dadweynaha degmada ku nooli u dhagtaagayaan ama ay ka dhursugaayan natiijada kasoo bixi doonta hay’adda Hanti-dhawrka qaranka oo hada documentigi gacanta ku haysa.