“Hadalka Buurmadow waxa uu abuuri karaa Colaad Cusub…” – Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo gaashaanka ku dhuftay Hadal ka soo yeedhay Boqor Buurmadow

Hargeysa (SLpost)- Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa gef iyo meel-ka-dhac colaad hor leh abuuri kara ku tilmaamay hadal uu Boqor Buurmadow maalintii shalay ka jeediyey Munaasibad lagu caleemo-saaray mid ka mid ah madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland oo ku qabsoontay deegaanka Carmo oo ka tirsan degmada Boosaaso.

suldaan maxamedBoqor Buurmadow munaasibaddaas oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda iyo golaha Dhaqanka Puntland iyo madax-dhaqameed isaga kala yimi deegaannada Soomaalida, waxa uu kaga baaqay in la kala qaado ciidamada Qaranka Somaliland iyo kuwa maamul-goboleedka Puntland oo isku hor-fadhiya xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, isagoo sheegay inuu arrintaa kala hadlay madaxweynayaasha.

Haddaba, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo daba-socda hadalka Boqor Buurmadow, waxa uu sheegay inaanay Somaliland marnaba diyaar u ahayn colaad iyo dagaal dhexmara maamul-goboleedka Puntland, balse aanay cidna u daba-fadhiisanayn xaqna u leedahay ilaalinta Xuduudaheeda.

Suldaanku waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey telefishanka madaxa-bannaan ee HCTV. Haddaba Muuqaalkan hoose ka daawo Suldaanka oo ka hadlaya arrintan iyo qodobbo kale.