Guddoomiye Cirro oo soo dhaweeyey Muddo-kordhinta Golaha Guurtidu u sameeyey Golaha Wakiillada

 

cirroHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa soo dhaweeyey go’aanka muddo-kordhinta ah ee Golaha Guurtidu maanta u sameeyey Golaha Wakiillada oo doorashadooda loo muddeeyey inay qabsoonto 12-ka bisha 12aad ee sannadkan 2019-ka.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhi ay maanta isugu yimaaddeen cod aqlabiyad ah ku go’aamiyey in muddo-kordhin loo sameeyey doorashada Golaha Wakiillada oo markii hore loo qorsheeyey inay qabsoonto bisha March ee sannadkan, waxaanay muddo-kordhin u sameeyey 9-bilood oo ka bilaabmaysa xilligii markii hore loo qorsheeyey qabsoomidda doorashooyinka.

Guddoomiye Cirro waxa uu arrintan kaga hadlay waraysi kooban oo uu maanta ku siiyey HCTV magaalada Hargeysa oo uu soo gaadhay kaddib markii uu ka soo degay gegida diyaaraha isagoo ka soo laabtay socdaal uu muddooyinkii u dambeeyey dalka dibaddiisa uga maqnaa.

WARAYSIGAN OO DHINACYO BADAN TAABANAYA KAGA BOGO MUUQAALKAN HOOSE

https://www.youtube.com/watch?v=KkFToRZxwv8