Guddoomiye Cirro Oo Dalka Ingiriiska Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay

UK(SLpost)-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo safar shaqo ugu baxay qaar kamid ah wadamada ku yaala Qaarada Yurub, ayaa maanta waxa sii diiran loogu soo dhaweeyey Magaalo Madaxda Dalka UK ee London ,halkaas oo uu guddoomiye Cirro markii uu soo gaadhay garoonka diyaarada caalamiga ah ee Heathrow Arbor kala kulmay soo dhaweyn baaxadle.

Guddoomiye Cirro ayaa markii uu ka soo degay gegida diyaarada London, ayaa waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dad weyne aad u tirobadan oo sitay asataamaha gaarka ah xisbiga WADDANI iyo calanka jamhuuriyada Somaliland,kuwaas oo ay horkacayeen masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalka ingiriiska iyo weliba xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland uu kamid ahaa xildhibaan c/raxmaan xoog.

Md. C/raxmaan Cirro oo ka dareenceliyey soo dhaweynta balaadhan ee uu kala kullmay magaalada London, ayaa halkaasi ka jeediye erayo uu ugu mahadnaqayo dadkii ka qaybqaatay soo dhaweyntiisa iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalka UK,Iyo weliba xildhibaanada ka qayb-qaatay soo dhaweyntiisa