Guddoomiye Cirro oo cambaareeyey Heshiis Dhexmaray Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, Arrimo kalena ka hadlay

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro”, ayaa wax aan suurto-gal ahayn ku tilmaamay heshiis ay Shalay Hargeysa ku kala saxeexdeen Xisbiyada UCID iyo KULMIYE.

 

Guddoomiye Cirro oo Maanta Hargeysa lagu soo dhaweeyay, ka dib Safar uu ugu maqnaa Dalka dibeddiisa, ayaa isagoo ka hadlaya heshiiska ay wada gaadheen UCID iyo KULMIYE ee ah in Komiishanka xilka hayaa sii shaqeeyo illaa muddo xileedkoodu ka dhamaanayo, Komiishanka cusub ee la sii dhisi doonana laba xubnood lagu kordhiyo ka dib doorashada.

 

“Shalay, Xukuumadda Somaliland iyo Labada Xisbi ee KULMIYE iyo UCID waxay soo saareen waxay ku sheegeen Go’aan (Heshiis), Go’aan muu ahayn kaasi, waxaynu ku macnayn karnaa oo keliya inuu ahaa shahaadadii dhimashada ee Hanaankii Dimuqraadiyadda iyo Doorashoooyinka ee Somaliland, ilaahayna ha inooga sahlo.

 

Waxaanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay ahayn mid u danaynaysa hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland iyo in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, maaha tallaabo u danaynaysa midnimada Shacabka iyo Wada-jirkooda, hase-yeeshee waa Tallaabo dil-dilaac ku keeni karta Bulshada Somaliland, waxa kale oo aanu u sheegaynaa in tallaabada ay qaadeen aanay Somaliland sinaba uga suurto-gal ahayn in laba Xisbi yidhaahdaan annaga ayaa Somaliland sidaanu doono ka yeelayna intay gaar u tashadaan.”