Guddoomiyaha Telesom Oo ku guuleystay Abaalmarinta Hogaamiyaha Ugu Wanaagsan Tiknoolajiyadda Afrika

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Shirkadda Telesom, Mr. Abdikarim Mohamed Eid (CEO) ayaa ku guuleystay abaalmarinta “Hoggaamiyaha Ugu Wanaagsan Afrika” ee Hurumarinta  Isgaadhsiinta & Teknoolajiyadda.

Abdikarim Mohamed Eid, CEO TelesomAbaalmarintan oo lagu magacaabo “AfricaCom Awards” waxa sannadkasta lagu soo bandhigaa Shirweynaha Teknoolajigga ee “AfricaCom” oo lagu qabto South Afrika. Shirweynahaasi oo ah ka ugu ballaadhan ee lagu soo bandhigo Teknoolajiyadaha Casriga ah ee Kala duwan.

Abaalmarintan oo 14-kii November 2018 lagaga dhawaaqay Shirweynaha AfricaCom oo ay isugu yimaadaan in ka badan tobanaan kun oo qof oo ka socda Shirkadaha Teknoolajiyadaha & Isgaadhsiinta ee Caalamka oo ku qabsoomay Magaalada Cape Town ee dalka South Afrika.

Faahfaahinta warkan oo dhammeystiran, kaga bogo oo daawo muuqaalkan Hoose.

DAAWO BILICDA SAWIRRADA MUUQAALKII GUUD EE XAFLADDA IYO QAABKII ABAALMARINTA LOO GUDDOONSIIYEY GUDDOOMIYE CABDIKARIIM MAXAMED IID.
Abdikarim Mohamed Eid, CEO of TELESOM Company, wins AfricaCom CXO of the YearABDIKARIM M EID TELESOM AWARD AFRICACOM (2)ABDIKARIM M EID TELESOM AWARD AFRICACOM (5)Abdikarim Mohamed Eid, CEO of TELESOM Company, wins AfricaCom CXO of the YearABDIKARIM M EID TELESOM AWARD AFRICACOM (4)