Guddoomiyaha Kulmiye oo Wasiirka Cusub ee Daakhiliga uga digay shakhsiyaad beelo-ku-macaash ah

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horreysay talooyin calculus u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo uu khamiistii inna dhaaftay Madaxweyne Axmed-Siilaanyo xilkaas u magacaabay.

Muuse Biixi, waxa uu Wasiir Duur uga digay inuu iska jiro dadka midabbeeya ee marka dadku la joogana si ula hadla marka ay isku kaliyeystaanna qaab kale oo ay si gaar ah wax ugu doonayaan ula hadla, isla markaana ku adeegta magaca Beelaha.  “Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) xilkan loo doortay ee culus inuu ILLAAHAY la ku garab-galo. Dhammaanteenna waxa weeye waxaynu la qaban karno inaynu la shaqayno hawsha culus ee loo igmaday taasuun-baa u ah waxtar.” Sidaa ayuu yidhi Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo shalay hadal ka jeediyey Casuumad qado ah oo uu Wasiirka Arrimaha gudaha u sameeyey Ganacsade Maxamed Baarjeex oo lagu qabtay Huteel Summer Time ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo Wasiirka arrimaha gudaha la dar-daarmayaa waxa uu yidhi; “Wasiir waxa aad la kulmi doontaa fagaarayaasha Rag badan oo soo camira oo kula hadla oo ay ku yidhaahda Wasiir Caddaaladda fuli oo dadka ha u kala eexan oo sidaa yeel oo haddana ninkii mikirfoonka ka hadlay saacad ka dib ku yimaaddo oo uu ku yidhaahdo aniga sidaa ii yeel haddii kale reerbaad xumaynaysaa  ama ninbaad xumaynaysaa.! Markaa, Wasiir waa inaad xilka sidaa laguugu dhiibay aad u Xafiddaa.”

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland