Goonni-Isu-Taagga Somaliland In Lagala Xaajoodu Somalia (Siday Ku Baaqeen Ingriiska Iyo Europe), Waa Bosnia Oo Lagu Yidhaa – Yugoslavia Kala Xaajooda Dawladnimadiinna – Rasheed A Meigag Samater

Sida La Wada Ogsoon Yahay Burbur, Xasuuq Iyo Dulmi Taxnaa Illa Iyo Isku-Darkii 60kii, Ayaa Ku Soo Afjarmay Halgan Hubaysan Oo Somaliland (Iyadoon Aan Gargaar Helin) Iskaga Caabiday Xukuumaddii Dhexe Ee Muqdisho, Waxayna  Somaliland Mar Kale 18kii May 1991kii Ku Dhawaaqday  Gooni-Isu-Taag Iyo Dal Madax-Bannaan. Inkastoo Somaliland Ay Sugtay Shuruudihii Caalamiga Ahaa Ee Gooni-Is-Taagga, Haddana 26 Sannadood Ka Dib, Weli Ma Helin Aqoonsi Caalami Ah – Sababo Tani Ka Mid Tahay Darteed.

Waxa Iyana Marag Ma Doonta Ah, In Dhibaato Kasta Amase Khilaaf Kasta Oo Dhexyaalla Maamulada Iyo Dadyowga Ku Dhaqan Dalka Somalia, Shacab Iyo Dawladba, Haddana Waxa Keliya Ee La Hubo Inay Heshiis Ku Yihiin Tahay “Inaan Somaliland Marnaba Noqon Dal Goonni Isu Taaga Oo Ka Madax Bannaan Somalia”. Waddo Kasta Oo Arrintaa Lagu Baajiyona Loo Maro.

Haddaba Qaddiyadda Somaliland Oo Meelo Badan Ka Shabbahda Shaqaaqadii Iyo Xasuuqii Dawladdii Dhexe Ee Yugoslavia Ka Geysatay Bosnia Kuna Soo Afjarantay Gurmadkii Milateri Ee Gaashaanbuurta Nato Ee Uu Horkacayay Maraykanku – Kuwaasoo Ku Khasbay Yugoslavia Heshiiskii Dec.1995kii Ee “Dayton Agreement”, Iyo Aqoonsiga Gooni-Isu-Taaggii Bosnia Ku Dhawaaqday Bishii March 1992gii (4 Sano Wax Ka Yar Ku Dhawaaqa Madax-Bannaanida Dabadeed).

Haddaba Dawladaha Reer Galbeedku Hadday Bosnia Ku Odhan La Lahaayeen Kala Xaajooda Yugoslavia Qaddiyadda Gooni-Isu-Taaggiinna (Oo La Mid Ah  Ta Somaliland Ee Ay Yidhaahdeen Kala Xaajooda Somalia) Ayaa Noqon Lahayd Arrin Caalamku Ka Yaabo, Lagu Qoslo, Xaq-Darro Ah Iyo Badheedh Ah In La Is-Dilo.

Reer Galbeedkuse, Go’aanka Khaldan Ee Ay Somaliland U Xambaariyeen May Qaadanne, Tallaabo Milateri Oo Jilbaha U Riday Dawladdii Yugoslavia Khasbayna Aqoonsiga Bosnia Ayay Ku Xallileen Shaqaaqadaasi.

Midda Kale, Haddii Aan Xal Degdeg Laga Gaadhin Dhowaan, Ama  Somaliland Siyaasad Cad Ka Qaadan, Dhaqdhaqaaqyada Milateri Iyo Fara-Gelinta Beryahan Dambe Somalia Ka Waddo Bariga Somaliland, Iyagoo Gacansaar La Samaysanaya Kooxo La Siyaasada Ama U Xagliya Somalia – Kana Soo Horjeeda Madax-Bannaanida Somaliland, Ayaa Iyana Si Aad Ah U Shabbahda Dadkii Aan Badnayn Ee Serbka Ahaa (Republika Srpska) Ee Ku Noolaa Bosnia, Isku-Dhalsho Iyo Siyaasadna Ahaayeen Serbkii Dawladdii Dhexe Ee Yugoslavia – Kuwaasoo Ahaa Iyagu Kuwii  Suurto-Geliyay Burburka Iyo Xasuuqa Loo Geystay Bosnia. Waa Arrin Shacabka, Xukuumadda Somaliland Iyo Caalamkuba Ay Tahay Inay Si Dhow Isha Ugu Hayaan.

Rasheed A Meigag Samater

(Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somaalida N.London)