Somalilandpost | News and Analysis

GOLAHA AMMAANKA: Liiska Magacyada Shakhsiyaadka iyo hay’adaha ka jira Dhulka Soomaalida ee Xannibaadaha lagu soo rogay

Bishan February, 17-keedi, golaha amaanku iyagoo xoojinaya qaraaradii 751 (1992) iyo 1907 (2009) eek u saabsanaa Soomaaliya iyo Eritariya ee lagu cadeeyey xubnaha iyo hay’adaha lagu soo rogay xanibaada socdaalka, hantidiisa la xanibayo, isla markaana lagu soo rogay cunoqabatayn xaga hubka ah sida ku cad farqada 1, 3 and 7 ee qaraarka Golaha Amaanka lambarkiisu yahay  1844 (2008).

Farqada 1,3, iyo 7 ee qaraarkaa 1844 (2008) ayaa u qornaa sidan:

“Golaha Amaanku….

1. Waxuu go’aamiyey in dhamaan wadamada xubnaha ka ah ay ka qaadaan talaabooyinka ku haboon ka joojinta inay soo galaan, ama dhexmaraan xuduudahooda xubnaha lagu cadeeyey liiska hoose, isla markaana farqadani kuma qasbayo wadan inuu u diido muwaadiniintiisa gelitaanka xuduudkooda.;

3. Waxuu go’aamiyey in dhamaan wadamada xubnaha ka ah ay xanibaan dhaqaalaha, iyo hantiyaha kale ee xuduudahooda yaala, ee ay leeyahiin ama  maamulaan, si muuqata ama si qarsoon, xubnaha hoos ku qoran iyo hay’adahaa, guddidu tilmaameen, ama xubnaha iyo hay’adaha u shaqeynaya dartood, ama hay’adaha ay leeyahiin ama ay maamulaan, sida gudidu tilmaameen, isla markaana, guud ahaan wadamadu waa inay hubiyaan wax kastoo hanti ah, ama dhaqaale ee xubnahaasi leeyihiin inay isticmaalaan xubnahaasi ama dad kaloo iyaga ka wakiil ah oo xuduudahooda jooga, ama uga faa’iidaystaan xubnaha aiyo hay’adahaasi.

7. Waxay go’aamiyeen in dhamaan wadamada xubnaha ka ah ay talaabooyinka ku haboon ka qaadaan ka ilaalinta inay si muuqda ama qarsoodi ah u iibsadaan ama loogu wareejiyo hub iyo qalab ciidan, ama si muuq ama qarsoodi ah loogu fidiyo gargaar qalab, tababar, ama gargaar kaloo ay ka mid yihiin maalgashi, dilaalid ama halo kaloo dhaqaale, oo la xidhiidha dhaqdhaqaaq ciidan ama ka iibinta, wareejinta, samaynta, dayactirka, ama isticmaalka hubka iyo qalabka ciidanka xubnahaa iyo hay’adahaa lagu tilmaamay farqada 8aad, farqada 2 iyo 4aad ee qaraarka 1844 (2008).

Golaha Amaanku waxuu xoojinayaa qaraarada  751 (1992) and 1907 (2009) ee la xidhiidha Soomaaliya iyo Eritariya waanay sii jirayaan, waxaana lagu kordhiyey xubnaha iyo hay’adaha, ku tilmaaman, waxaana la tixgelin doonaa ka reebanaanta lagu tilmaamay farqada 2 iyo 4aad sida uu tilmaamayo waajibaadka guddidu, ee farqada  11 (e)  ee qaraarka 1844 (2008).

Markii koowaad liiskan waxay go’aamiyeen guddidu  12 April 2010.

Waxaanu si Taxane ah idinku soo gudbin doonaa, Haddii Eebbe Idmo, Magacyada Shakhsiyaadka iyo Hay’adaha Xannibaadaha lagu soo rogay kuwaas oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u cuskaday Qodobbo Caalami ah oo lagula dagaalamo Shakhsiyaadka iyo Hay’adaha lagu tuhmo ururrada Argagixisada ah.

La soco Qaybta Koowaad…………….

Fikraddaada kaga Dhiibo FACEBOOK

RAADI WARARKII HORE