Galmudug Oo Ka Jawaabtay Baaqii Qaramada Midoobay Ku Qaadacday In Liiska Aqalka Sare Laga Saaro Hoggaamiye Kooxeed-yadii Hore

(SL.Post) Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo ka jawaabay hadalkii beesha calaamka ee ahaa inaan liiska xubnaha Aqalka Sare lagu soo darin shaqsiyaad taariikh ku leh colaado iyo dambiyo, ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aysan xaq u laayn inay yiraahdaan liiska ha laga saaro Muwaadin Soomaaliyeed oo lasoo doortay.

cali-gacal-294x300

Cali Casir waxa kale oo uu sheegay in muwaadinka Soomaaliyeed la dooran doono isla markaana uu wax dooran karo, sidaas awgeedna aanay Beesha Caalamku u lahayn xaq inay yidhaahdaan liiska ka saaro shakhsi ku soo baxay doorasho.

“Runtii innaga wax naga Khuseeya ma jirto muwaadin la doortay inaan liiska ka saarno, kaas oo weli kusoo baxay cod baarlaman. Warqadana inaan uun maqalynay mooyeen weli nama soo gaarin.” ayuu yidhi Guddoomiye Casir.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Qaramada Midoobay ugu baaqay in ay tixgeliso Rabitaanka shacabka deegaannada Galmudug oo iyagu soo doortay xubnaha ay dabaldeen in liiska laga saaro.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Michael Keating ayaa qoraal uu soo saaray 14-kii bishan Oktoobar kaga dalbadya Maamul-gobleedyada Dalka ka jira inaanay kusoo darin Liisaska xubnaha Aqalka Sare Hoggaamiyeyaal kooxeedyadii hore ee Dalka, kuwaas oo uu ka mid yahay Jen. Cabdi Qabdiid oo laga soo doortay Galmudug.

 

Somalilandpost.net