Fariin Ku Socota Qurbajooga Beelaha Garxajis – W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla

Waxan jeclaystay mar hadaan qurba joog aniga qudhaydu aan mudo dheer ahaa hadana aan waddan kii ku suganay in waxay ila tay fikir ahaan shirkii shalay ama casumadii ka dhacday Madaxtoyada somaliland aan idin la wadaago siday igu muqato.

Waxa jirta in Gudi guud uu reer ku leyey oo la yidha Gudida Garaxjis kuna hadasha afka beesha arinka beeshuna iyaga ka Go’o. !

Waxa dhacday in markii la maqlay in Madaxweynuhu Garaxjis kula shirayo Madaxtoyada odayaal iyo aqoon yahan badani Burco ka hadleen iyaga oo leh talada reer ka Gudida Garaxjis bay ka Go’daa , Manshalaa aniga qudhaydu waxan aad u so dhaweyey arinta markii an tv ga ka dawaday iyo habeen kii xigey markii aan Gudida Garaxjis iyagana TV ga ka dawaday aniga oo u arka yey raga taga inay gudidii reer ku doortay ay barbar ordayaan oo taladii ku haystaan.

engHadaba casumadii iyo waxay ku Saabsanayd hadii aan eegno gebiga casumadu waxay ku sabsanayd inu Muse Bixi oo markii hore intanu bari u anbabixin loga dhigayey ama u haystay in aan lana so dhawyneyn uu caqabado kala kulmi doono haduu Berbera bari u dhaafo sidii dhaqan ka rer ku ahaa cid waliba way ka dheregsan tay sidii hagrasho la’aanta ahayd ee loo soo dhaweyey tii waxay ku dhalisay inu inta karaan kisa ah uu casumad u sameeyo si uu u yidhaa Thanks sidas ayay na u dhacday waxaynu ognay in aan gudida garaxjis haduu xata casumi laha anay casumada ka qayb galeen marka intii madax dhaqameed iyo shicib uu heli kara yey inu isugu yeedho intii iman kareysay way timid si fiican bay u dhacday .

1 – Cuqaaasha shirka ka qayb gashay arin ay Garaxjis ku matalayeen oo masiirka reer ka ah kamay hadal iyaga oo arinta u dhafayey cidii loo igmaday oo ah Gudida Garxajis .

2 – hadii laga tegi waayo Suldaan Mohamed Hersi qani ayaa khudbadisii ku daray oo yidhi Hadii Madaxweyne ay sidaa kugu wayntay So dhaweyntii Gobolada Bariga ee Garxajis hadana aad leeday tabashoyinkii Gudida Garaxjis Miiskay ii saran yihiin waxa aan jeclaan lahayn in hordhaca aanu ka argano waliba horta Inaad Muj Ahmed Adib aad faraha ka qaado markii uu khudbadisii dhameyeyna wuu baxay iyada oo Muse bixi yidhi suldan Mohamed Hersi qani codsigisi waan aqbalay Ahmed Adibna hada laga bilobo waa fasax.

Ujedadaydu waxa weeye . oo  wax lala yaabo ah ma arkaysid reer Salaadinteda ama Cuqaaasheeda facebook ku cayda Kuwa Garxajis lakiin kuwa caaya waxa u badan qurba jooga oo aan imika idhaa tolow halkan ay ka eegen waa xagee hore waan u arkay 24 sacdood ee u danbeyey na waan arkayey Suldaan Mohamed Abdiqadir iyo Suldaan Mohamed Hersi qani oo facebook lagu cayayo.

Qaar baa leh Ahmed Adib marka horeba denbi muu galin waa run aniga qudhayduna sida aad u aragto ayaan u arkaa lakiin ma inu iska xidhnaado ayad ka jeclayd qofka xaq ama xaqdaro kii la rabo halagu xidhee inu soo baxo ayay dantu ku jirtaa kalmada iyo casumada ayaana sabab u noqotay inu suldaan Mohamed Hersi qani la faideysto ilahay na wuu la qabtay .

Waxa gaf ah inaad cuqaaasha mesha tagtay aad ka dhigto dad lacag loo qaybiyey ama mansab yo lagu maamusay ama qado u doontay .

Arinta iyo talada garaxjis waxa loo igmaday Gudida Garxajis hadii cidi masiirkii reer ka ama taladii reer ka ay boobaan yidhahdan anaga ka masula sidas ayanu rabnaa iyo sida ha la yeelo waa meel ka dhac .

Dawlada iyo dalka waa la wada leyey warqad fasaxa cid dan u leh dawladu cid ay ka qadanaysa ma jirto muhiim ku waa arinta kaga xidhan dawlada office kad uga bahntay ka so dhamayso adigu .

Maaha in laga dhigo cidi dawlada aragta inay tahay cid diinta ka baxday waxa qalad ah marka ama suldaan ama shariif uu masiirki Gudida Garxajis loo igmaday uu ka hadlo .

Cayda joojiya cuqasha iyo suldanada aad la daba socotaan, Qof waliba waa xor hadad argtidayda ila qabto iyo hadad mid ka duwan qabto, Mahdsanidin

Dulucda sheekadaydu waxa weeye inan cay uun anad kula dul kufin cuqaaasha oo aanad ku go’aan qadan Muse Bixi ayay la kulmen ee bal horta war ka iyo waxa la is yidhi iyo ujedada hubi oo xaqiiqda markad hesho ku Go’an qaado.

W/Q: Eng Anwar sheik Mohamed Abdalla

Hargeisa/Somaliland