Fadliga Bisha Ramadaan Iyo Muslimiinta ku nool Qaaradan Yurub oo soo-maaya 19 Sacadood oo xidhiidh noqday

..19 sacadood ,isla markaana qoraxdu ay aad kulushahay ,waqtiguna uu badanyahey 

..laga rabo in 5 sacadood gudahood ay Afurka, taraawiixda iyo saxuurtaba ku sameeyaan….

 12 sacadood oo keliya,halka waqtiga afurka iyo saxuurtana ay u dhaxeysay waqti aad u badan oo qofka cunadii hore uu cunay uga bixi karto….

Ramadaanta ayaa ah rukunka 4aad ee shanta tiir ee Islaamka, Waxaana ku jira cibaadooyinka kuwa ugu fadliga badan,sidoo kale waa bil kheyr,iyo barako leh, waxaana Ilaaheey ku gooni yeelay fadli iyo wanaagyo aad u badan,sida:- Waa bishii Quraanka la soo dejiyey lana khatimay kitaabkii ugu dambeeyey kutubtii uu Ilaaheey soo dejiyey, waxaana lagu soo dejiyey Nebigii ugu dambeeyey Nebiyaasha Ilaahey SW uu soo diray waa Nebi Maxammed “Salalaahu Caleyhi Wasalam (SCW).

Waa bishii kutub badan oo kale la soo dejiyey,Rasuulkuna SCW isagoo sheegaya kutubtaa iyo marka la soo dejiyey ayuu wuxuu yidhi: Habeenkii ugu horreeyey bisha Ramadaan waxaa la soo dejiyey Suxuftii (Warqadihii) Nebi Ibraahim. Kitaabkii Tawreet ahaana waxaa la soo dejiyey 6dii Ramadaan. Injiilna waxaa la soo dejiyey 13kii Ramadaan. Zabuurna waxaa la soo dejiyey 18kii Ramadaan. Qur’aankana waxaa la soo dejiyey 24kii Ramadaan“.
Waana bisha ay ku jirto Laylatul-qadrigu: Laylatul-qadrigu waa habeen ka khayr badan kun bilood (sideetan iyo sadex sano iyo afar bilood), waana habeen barakaysan, Habeenkaasina wuxuu ku jiraa 10ka maalmood ee ramadaanka ugu danbeeya, waa bil habeen kasta oo ka mid ah Ilaaheey uu dad badan Naarta ka xoreeyo, qof kasta oo muslin ahina uu maalin iyo habeen kasta leeyahay duco laga ajiibayo (laga aqbalayo).
Shadaadiinta oo dhan ayaa la xabisaa , isla-markaana albaabada Naarta oo dhanna la qufulo, halka albaabada Jannada gebihaan la furo, Arrimahaas oo dhami waxay dhacaan oo la sameeyaa habeenka ugu horreeya bishan, Rasuulkuna SCW isagoo arrintaa ka hadlaya ayuu wuxuu yidhi: “Marka bisha Ramadaan soo gasho waxaa la furaa albaabada Jannada, waxaa la xidhaa albaabada Naarta, waxaana sil-silado lagu xidhaa shadaadiinta”. Xadiisku wuxuu xusay in marka Ramadaanku soo gasho shadaadiinta la xidh-xidhayo,marka la xidh-xidhana way taag-darreyaan oo way daciifaan, oo waxba ma awoodayaan marka bishaas lagu jiro inay sameeyaan wixii ay samayn jireen marka aan aanay ramadaan ahayn.
Dadka Muslimiinta ku dhaqan wadamada Yurub qaasatan wadanka Ingiriiska ayaa sanadkaa waxaa soo wajahday waqti dheer in ay soomayaan madaama xiliga qoraxda dhacayso iyo waqtigay soo baxeysa ay isu jiraan oo keliya wax ka yar 5 sacadood taana waxay keentay qofka in uu soonaado 19 sacadood,isla-markaana u dhaxeyso oo kaliya 5 sacadood gudahood oo laga doonayo qofka in uu ku afuro kuna saxuurto,waxayna sanadkaan noqonaysaa tii ugu badneyd abid ay Soomaan muslimiin badan ku nool Qaaradan Yurub.
Hadaba xiligan soonka ee Qaarada yurub siiba Ingiriiska ahna 19 sacadood ,isla markaana qoraxdu ay aad kulushahey ,waqtiguna uu badanyahey ,halka xiliga dadkii iyagu wadankeenii joogay ay soomanyihiin qiyaas ah 12 Sacadood, badi waqtiga suxuurta qurba joogta ku dhaqan Uk, ayaa ku beegan 3:00 iyo waxooga waxaana la afurayaa 9:00 oo waxyar la, ,dad badan ayaa dalkooda hooyo Rabadaanta soo xasuusta ,in soonku noqonjirey 12 sacadood oo keliya,halka waqtiga afurka iyo saxuurtana ay u dhaxeysay waqti aad u badan oo qofka cunadii hore uu cunay uga bixi karto.
Iyadoo qaar ka midda dadka Muslimiinta ku dhaqan wadamada qaarada Yurub gaar ahaan Ingiriiska ay qeylo dhaan ka bixiyeen xiliga Soonka oo ay maalintii ay ka badan tahay habeenkii , kadib markii ay ku soo beegantay bishii barakeysneyd cadceedii ah mid kulul iyo Ramadaanka oo waqtigiisu aad u batey,
Waxaana u sii dheer dadka gaalada oo waqtigan qaawan madaama lagu jiro xiligii kuleelaha (Summer time) oo wadamada Yurub dadkoodu dharka dhigan-jireen, isla-markaana looga baahan yahay qofka sooman in uu indhaha xataa ka soomo si u helo ajarka badan bisha Soonka.,waxaana sanadkan uu dad badan waqtigu ku noqday mid ay ku jahawereersan yihiin madaama laga rabo in 5 sacadood  gudahood ay Afurka, taraawiixda iyo saxuurtaba ku sameeyaan.
Iyadoo waqtiguna aad ayuu u badan yahey, ayna cadceedu kulushahey balse waxaa lagu qasbanahey in la soomo , waana waajib ilaahey inagu faral-yeelay.

Isku soo wada duub bishan Ramadaan ayaa waxa timi, xiliga kuleylaha balse waa bishii Ramadaan ee ugu kuleylka badneyd iyadoo dad aad fara badan ay isaga huleeleen si eey ugu soomaan wadankii hooyo iyo wadamada Carabta , Si kastaba ha ahaatee ,waxaa ka sii darnaan doono ,inshalaah sanadka danbe haddii alle ina gaadhsiiyo oo la soomi doono inta ay hada la soomaan yahay mid ka sii badan madaama sanadka danbe ku soo beegmaayo Bisha July oo ah xiliga ay ugu kululyihiin wadamada Yurub.

By,Adan Yusuf Elmi
B,ham-Uk