Faa’iidooyinka Waxbarashadda Bilaashka ah (FPE) + Kaalinta ay Bulshadu ka Geysan karto

Sida aad la wada socotaanba, Dugsiyadda H/Dhexe waxay ka mid tahay Waxbarashadda Aasaasigga ah. Ilmuhu marka uu soo dhamaysto ama soo Barto Quraanka Kariimka ah wuxu ku soo Biiraa Dugsiga Hoose(1-4), halkaasi oo uu ku soo qaato Maadooyinka loogu talla gallay. Ardaygu markaasi ayuu ku soo Biiraa Bulshadda oo uu la soo jaanqaadaa Da’diisa iyo waxa ay ku hawlan yihiin oo ah Waxbarashadda.

Hadaba Markii laga dhigay waxbarashadda Dugsiyadda H/Dhexe bilaash ama lacag la’aan, waxa soo kordhay Arrimo Faa’iido leh oo la xidhiidha in Ardayda fekerkooddii isbedello oo aanu war-war ka qabin in la yidhaahdo keen lacagtii Bisha ama Fiiggii. Arrintaasi oo ardayga ku ahayd mid had iyo goor uu ka sii fekero tollow Aabo ama Hooyo ma kuu soo dhiibi doonaan ,intee bay kugu qaadan doontaa ama soo helayaan waalidkaagii, hadda way baxday Maskaxdiisii oo wuxu ku fekerayaa oo keliya Waxbarashaddii iyo Maaddooyinkii uu Dhiganayey.

Waa arrin aad u Muhiim ah oo u baahan in la sii dhiiri geliyo. Waxa kale oo aan ogaanay haddii aanu nahay Bahda Waxbrashadda, in ilaa Hadda wax eedo ah oo ka yimid Waxbarashadda Bilaaashka ahi aanu jirin. Taasina aan aad ugu Mahadcelinayno Ilaahay iyo Waalidiinta ama Bulshadda Reer Soomaaliland Meel kasta oo ay joogaanba. Wasaaradda Waxbarashaddu iyo Xukuumadduba way ogyihiin in Waxyaabo ay ka dhiman Dugsiyadda H/dhexe oo ay ka mid yihiin Nadaafadda, Biyaha,Laydhka iyo Shaqaalaha Hoose oo Gunnadu ku yar tahay, Taasina waa ka kow dedaalka loogu jiro in Horumariyo Barnaamijkan(FPE).

Markii aan Sahaminay ee aan u dhaba galnay Barnaamijka qaabka uu u hirgelay, waxa noo soo baxay Faa’iidooyin la taaban karro oo Horumar ku Sameeyey Qoraalka Ardayda(Enrollement Rate) , gaar ahaan Hablaha(Girls Participation in Education).

Faa’iidooyinkaasi waxa ka mid ah:-

  1. Ka fekerkii ardayga ee Keen Lacagta oo isbedelay oo joogsaday
  2. Ardaygii oo soo fahmaya Masuuliyadda Berito u qaadi doono iyo Go’aanka u gaadhaa sida u bedelayo Nolosha Bulshadda iyo Wadaniyadda.
  3. Dedaal badan oo Madaxda Dawladu, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ugu jirto Horumarinta Barnaamijkan.
  4. La jaanqaadka Adduunyadda ee Horumarinta Waxbarashadda loo dhan yahay ama Bilaashka ah(EFA)
  5. Distoorka Soomaaliland waxa ku cad in aan ogolnahay Heshiisyaddii iyo Qaraaraddii ay aduunyadda hore u soo gaadhay gaar ahaan(UN-Conventions) (AU Charter) iyo kuwii lagu gaadhay Dalka Gaana(Chana) ee ku saabsanaa horumarinta Qarnigan hadda lagu jiro(MDG) oo lagu heshiiyey in 2015ka Qof adduunyadda ku nool ku yar iyo ku weynba ay waxna qori karaan waxna akhriyi karaan.
  6. Maamulayaashii iyo Macalimiintii Dugsiyadda H/dhexe oo aad u dedaalaya oo muujiyey Wadiniyad, kana fekeraya in Ardayga ama Ilmaha isaga dartii u soo kalahay ee kharshka iyo hwshuba ku soo baxday uu Casharkiisii si fiican ugu gudbiyo oo aanu Hagran. Taasina waxay ina tusaysaa Wadaniyad iyo Iimaan buuxa.
  7. Shir kasta oo ka Socda Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo mar walba lagu soo qaadayo Horumarinta iyo Gunno siinta Macalimiinta, shaqaalaha hoose iyo Xaaladaha kale ee Dugsigga, si loo hergeliyo Barnaamijkan.

 F.G: Waxa aan Bulashadda Reer Soomaalilaand ka codsanaynaa in wixii kaalmo ay ku biirinayaan Barnaamijkan(FPE) ay ku Shubaan

ACC.NO:- 570 oo ka Furan Banggigga Dhexe ee Somaliland

Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare