Ex-Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay Ujeeddada Socdaal ay dalka dibaddiisa ugu Maqan tahay iyo Halka ku Sugan tahay

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka hadashay warar ay baahiyeen saxaafadda Hargeysa oo sheegayay inay socdaal ku aadday magaalada Muqdisho ee Somaliya, iyadoo ujeeddada socdaalkeeda wararkaasi ku sheegeen inay u tagay lacag aan sifaheeda la sheegin oo laga dhacay.

Haddaba, Samsam Cabdi Aadan oo xilligan dalka dibaddiisa ku maqan, waxa ay beenisay jiritaanka warkaas, iyadoo sheegtay inay socdaal ku joogto Waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo maalmihii u dambeeyey ay ku sugnayd.

Ex-Wasiir Samsam Waxa khadka telefonka ugu warrantay Weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Telefishanka Eryal oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

MUUQAALKAN HOOSE KAGA BOGO WARAYSIGA SAMSAM CABDI AADAN LALA YEESHAY