Erdogan: Hoggaamiye Wanaagsan oo Xisaab Badani Ka Qaldantahay – Mohamed Ali Bile

Erdogan madaxweyne la jecelyahay ayuu ahaa oo Turkey meel fiican soo gaadhsiiyey. Waxa dhici karta in inqilaabka caawa dhacey lagaga tuuro meesha. Inu isagu soo noqdana laga yaabee. Xataa hadduu soo noqdo, waa dhamaadkiisii. Inagu sumcadiisa wanaagsan ee an aragney waxa barbar socdey qaladaad waaweyn oo uu sameeyey oo aan dadka isaga la mirqaansani aaney arkeyn.

erdogan

  1. Muddo ku filan oo uu sumcad wanaagsan ku yeeshey uu soo xukumey dalka. Balse xukunkii ayuu sii macaansadey. Waana dhaqanka digtaatoornimada. Digtaator kasta oo dunida soo marey Mar ayuu ahaa hoggaamiye la jecelyahay. Balse inta uu jaceylkii la sakhraamey, iloobey in dalka dad kale la leeyhiin.
  2. Erdogaan wuxu taageerey xoogagii ku kacsanaa madaxweynaha Suuriya iyo ISIS, iyagiina waa laga adkaadey. Halkaa colaad ayaa, looga hayaa, kuwii uu taagereyna isagii ayey ku soo jeesteen.
  3. Dadkii isaga la soo halgamey sida Oglo uu ka takhalusey. Ruushka uu la coloobey, Ciraaq uu la coloobey, Suuriya uu la coloobey, Yurub uu la coloobey. Kurdiga uu la coloo ey. Milatarigiisa laftooda uu la coloobey. Marka horena xisbigiisa Islaamka ah waa loo marmarsoonayey oo reer galbeedku hoosta kamey jecley. Farasamo xumo badan ayaa dhinacaa ka heshey.