Dr Saleebaan Xagla-toosiye oo si adag uga hadlay Baabuur lagu eedeeyey inuu la baxsanayey

“Hanbaan leeyahay, m/weyne ku-xigeenbaan isu sharraxay, wali hankaasina wuu igu jiraa” – Ex-Wasiir Xagla-toosiye

Hargeysa (SLpost)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Kaar (Xagla-toosiye), ayaa si adag uga hadlay iska fogeeyey eedayn loogu jeediyey inuu la baxsanayey mid ka mid ah gaadiidka wasaaradda oo todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Burco.

Wasiir Xagla-toosiye oo hadal ka jeediyey munaasibad ballaadhan oo uu maanta xilka wasaaraddaas ku wareejinayey masuulka cusub ee loo magacaabay, waxa uu iska fogeeyey isla markaana hadallo aanu u qalmin oo anshaxa dawladnimada ku baxsan ku tilmaamay eedaynta loogu jeediyey inuu la baxsanayey gaadhigaas oo ay saarnaayeen qoyskiisa oo ku sii jeeday magaalada Laascaanood.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland waxa kale uu ka hadlday hankiisa siyaasadeed iyo damaca uu ka qabo inuu u tartamo mansabka siyaasadeed ee ugu sarreeya Somaliland.

 

Haddaba, muuqaalkan hoose ka daawo hadalka Dr Saleebaan Xagla-toosiye 

https://www.youtube.com/watch?v=2mAXTy4D5fs