Dowladda Djibouti oo Si Qarsoodi ah Hub kala duwan ugu gudbisay Soomaaliya & Ku-xad-gubka Cuna-qabatayntii Golaha Ammaanka

Muqdisho (SLpost)- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa si qarsoodi ah u soo huubsatay noocyo kala duwan ee hub ah iyadoo wali dalkaas uu saaran yahay cuno-qabatayn xagga hub ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay hore u saaray.

Warar hoose oo laga helay saraakiil dowladda Soomaaliya ka tirsan, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya hubka ka soo iibsatay waddanka Jabuuti oo ka mid ah Shan waddan oo ciidamo nabad-ilaalin ahi ka joogaan dalkaas.

Hubkan oo nooca waaweyn iyo ka fududba isugu jira, ayaa dowladda Jabuuti ka iibisay Xukuumadda Muqdisho, kaddib markii ay ciidamada Badda ee Jabuuti gacanta ku dhigeen hubkan oo saarnaa Dooni una socday Xuutiyiinta dalka Yemen.  Tallaabadan ayaa ka hor-imanaysa cuna-qabataynta xagga hubka ee Qaramada Midoobay hore u saartay dalka Soomaaliya.

Hubkan oo qaab suuq madow ah looga soo ibiyey Dalka Jabuuti, waxa lagu qaaday Diyaarad xamuul ah oo 22-kii bishii hore ee June ka dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Laanta Afka Soomaaliyga ee VOA oo soo xiganaysa ila-wareedyo dhinacyo kala duwan ah, ayaa sheegtay in iibka iyo keenista hubka uu u xil-saarnaa sarkaal sare oo ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo Faahfaahinta Warbixin ka hadlaysa Qaabkii Hubkan loogu gudbiyey Muqdisho, Qorshaha loogu talo-galay iyo Saamaynta ay ku yeelan karto Cuna-qabataynta Hubka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee hore loo saaray Soomaaliya.

https://youtu.be/Clwyz_li5R8