DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND EE GOLAHA GUURTIDU MUDEEYEEN WAA SUURAGAL IN AY MAR KALE DIB U DHACDO HADII…

maxamed dhimbiilDOORASHADA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND EE GOLAHA GUURTIDU U MUDEEYEEN 12.12.2019 WAA SUURAGAL IN AY MAR KALE DIB U DHACDO HADII AAN XAL LOO HELIN DURUUFAHA KU XEERAN !!!

 

Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ay noqdeen qaar ku caan ah dib u dhac , arinkaasi oo ku nusqaan ah qaranka jamhuuriyada Somaliland,  nidaamka dimuqaradiga ah iyo doorashooyinka, una baahan in aad loo lafo guro waxyaabaha caqabadaha ku ah oo intooda badani aanay ahayn wax awooda binu adamku aanay waxba ka qaban karin.

 

Hadii hadaba aynu eegno maanta caqabadaha doorashada horyaala iyo waliba iyada oo wax badan aan laga heshiin in guurtidu mudaysay doorashadii golaha wakiilada somaliland , waxa uun ii muuqata in markale mudo kordhini soo socoto waliba iyada oo aan la xalin duruufta mudo kordhintan keentay.

 

Waxyaabaha kale ee caqabadaha ku ah doorashada marka laga tago khilaafka komishanka ee axsaabta waxa ka mid ah saamiqaybsiga golaha oo ay saluugsan yihiin Gobolada awdal iyo Sool iyo waliba Sanaag , arinkani waxa uu ku xidhan yahay in somaliland laga sameeyo diwaan galin guud oo dadwayne oo wax lagu qaybsado oo gobol waliba waxii uu goosto kuraas uu helo, sababta oo ah Gobolada Hargeisa, Togdheer iyo saaxil iyaguba way saluugsan yihiin saamiga kuraasta oo gobol waliba in aanu u qalmin intaa la siiyey ee waliba xalkii doorashadii golaha wakiilada ee 1960kii lagu fadhiisiyey ayuu aaminsan yahay.

 

Dadka qaar ayaa marka arimahan la soo qaado yidhaahda kuraas gobolada kale ha looga gooyo oo hala siiyo reer Awdal , Sool iyo Sanaag , arinkaasi waa ku gef wax hala siiyo waayo waa dad reer Somaliland ah wax ay xaq u leeyihiin ayey rabaan ee wax lagu laaluushayo ma rabaan, taasina waxa lagu helayaa uun in somaliland diwaangalin dadwayne oo guud laga qabto, hadii la waayo waa in doorkana lagu galo sidii hore oo aan is leeyahay waa xalka kaliya ee jira.

 

Waxa aan axsaabta siyaasada somaliland uga digayaa in arinkaa saamiqaybsiga la siyaasadeeyo oo laga dhigto wax taageero lagu raadiyo iyada oo laga faaiideysanayo tabashooyinka dadka reer Somaliland ka qabaan gobolkii ay doonaan ha ka soo jeedaane kuraasta golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo tirooyinka goboladu kala leeyihiin oo lawada saluugsan yahay.

 

Caqabadaha waxa ka mid ah dib u dhigaya doorashada arinka murugsan ee tirada xubnaha komishanka doorashooyinka iyo khilaafka xisbiga Waddani iyo komishanka doorashooyinka ee ay kalsoonidii kala noqdeen , arimahan laftoodu maaha wax dhib yar oo hadii aan la xalin waxa aan is leeyahay somaliland in aanay doorasho ka dhacayn ayaa suuragal ah, taasi oo dal iyo dadba inagu sumcad darro iyo karti daro noqonaysa.

 

Waliba ma muuqato isku soo dhawaansho iyo isku tanaasul oo arinku waa i jiid aan ku jiidee taasina ilama aha in ay natiijo dhalayso oo maantaba waxa halkan soo gaadhsiiyey ee dib u dhacan keenay waa khilaaf iyo is mariwaa isku tanaasul la,aan iyo taydaa soconaysa ay leedahay qolo waliba, waxa ay gacanta ku hayaana waa masiirkii iyo mustaqbalkii umaddani ku soo tabcaysay 28 sano oo bilo dhiman.

 

Waxa aan ku talin lahaa in dadwayne , waxgarad , aqoonyahan iyo cid kasta oo dalka iyo dibada joogta oo arinkan xalkiisa wax ka qaban kartaa wax ka qabato oo la dhexdhexaadiyo oo wax la isla ogol yahay oo aan wakhtiga inaga lumin lagu dhameeyo arimaha komishanka iyo khilaafka axsaabta siyaasada somaliland ee ku kala aragtida duwan arinkan, hadda waxii ka dambeeyana inta la lafa guro khilaafyadii doorashooyinka dib u dhigey oo dhan laga taxadiro in aanay dib u dhicin , wakhtiga doorashooyinkuna uu noqdo mid la yaqaano oo go’an ( mandate ) , waxkasta oo yimaadana sharcigu waxa uu ka odhanayo uun la qaato , oo ay tani noqoto dhex-dhexaadintii ugu dambaysay insha Allah.

 

Aragtidayda

Muhamed Dhimbiil